Safiirka Soomaaliya ee Kenya, Jibriil Ibraahim Cabdulle, ayaa Safaaradda Soomaaliya ku soo dhaweeyay Safiirka Brazil u fadhiya Soomaaliya, João Alfredo dos Anjos Junior, oo booqasho shaqo ku yimid, taas oo diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga labada dal.
Wadahadallada ayaa si gaar ah diiradda loogu saaray is-weydaarsiga iyo iskaashiga u dhexeeya hay’adaha waxbarashada, ardayda, macallimiinta jaamacadaha iyo cilmi-baarayaasha.
Brazil ayaa ballanqaadday inay fursado deeqo waxbarasho u fidin doonto ardayda Soomaaliyeed si ay wax uga bartaan Brazil, halka labada safiir ay sidoo kale ka wada hadleen xoojinta xiriirka ganacsi ee u dhexeeya ganacsatada iyo shirkadaha Soomaaliyeed iyo shirkadaha waaweyn ee Brazil.
Wadahadallada ayaa muujiyay in waxbarashada iyo ganacsigu yihiin dhinacyo muhiim u ah ballaarinta fursadaha iyo xoojinta xiriirka Soomaaliya iyo Brazil.

























