Dowladda Soomaaliya ayaa qorshaynaysa inay xarumo waxbarasho iyo kuwo caafimaad oo gaar ah u hirgeliso carruurta ay ka tageen askartii ku geeriyootay difaaca dalka, sida ay shaaciyeen Wasiirka Gaashaandhigga, Axmed Macallin Fiqi, iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, Sarreeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud.
Labada mas’uul ayaa kulan la qaatay qaar ka mid ah agoonta askartii ka tirsanayd Ciidanka Xoogga Dalka, iyaga oo ka dhageystay xaaladahooda nololeed iyo baahiyaha ay qabaan, isla markaana u faahfaahiyey qorshayaasha dowladda ee ku aaddan daryeelkooda muddada dheer.
Waxa ay tilmaameen in xaaladda carruurtan si joogto ah loola socon doono, isla markaana ay heli doonaan daryeel ku habboon iyo taageero rasmi ah oo dhanka dowladda ah.
Mas’uuliyiinta ayaa sidoo kale xusay in Golaha Wasiirradu uu ansixiyey xeerar lagu maamulayo daryeelka carruurta ay ka geeriyoodeen askarta Ciidanka Xoogga Dalka ee ku dhintay iyaga oo gudanaya waajibaadkooda qaran.
Meel-marinta xeerarkan ayaa gogol-xaar u ah dhismaha hay’ad gaar ah oo maamusha daryeelka iyo taageerada carruurtaas, iyadoo qorshaha dowladda ay qayb ka tahay in loo dhiso dugsi waxbarasho iyo xarun caafimaad oo u gaar ah.
Wasiir Fiqi iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka ayaa hoosta ka xarriiqay in aan marnaba la illoobi doonin naf-hurnimada askartii ku dhimatay difaaca dalka, iyaga oo carrabka ku adkeeyey in kafaala-qaadka qoysaskooda iyo carruurtoodu uu yahay mas’uuliyad qaran.
Kulanka waxaa sidoo kale goob-joog ka ahaa Gaashaanle Iimaan Maxamuud Cali, oo ah madaxa Waaxda Iskaashiga Ciidamada iyo Bulshada ee Ciidanka Xoogga Dalka (CIMIC), taas oo u xilsaaran isku-xirka ciidamada iyo bulshada rayidka ah.




















