Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa xafiiskiisa kulan kula yeeshay wafdi sare oo ka socday Wasaaradda Gaashaandhigga iyo saraakiisha Ciidamada Talyaaniga.
Wafdiga waxaa hoggaaminayay Taliyaha Taliska Hawlgallada Wadajirka ah ee Talyaaniga, S/Guud Giovanni Maria Iannucci, waxaana ku wehliyay Danjiraha Talyaaniga u fadhiya Soomaaliya, Pier Mario Daccò Coppi.
Kulanka ayaa looga hadlay sidii loo sii xoojin lahaa xiriirka Soomaaliya iyo Talyaaniga, gaar ahaan horumarinta iskaashiga laba-geesoodka ah ee dhinacyada amniga iyo difaaca.
Wasiir Fiqi ayaa bogaadiyay taageerada Midowga Yurub, gaar ahaan Dawladda Talyaaniga, ee dib-u-dhiska ciidamada, isagoo xusay muhiimadda ay leedahay in taageeradaasi sii socoto si loo xoojiyo awoodda Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee ku aaddan soo celinta xasilloonida dalka.



















