Wasiirka cusub ee Gaashaandhigga dalka Jabuuti, Aden Ali Mahamade, ayaa si rasmi ah ula wareegay xilkiisa, kaddib munaasabad xil-wareejin ah oo uu Axaddii uu shir-guddoominayay Ra’iisul Wasaaraha dalkaas, Cabdulqaadir Kaamil Maxamed.
Munaasabadda xil-wareejinta ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Wasiirka Arrimaha Gudaha, Cumar Cabdi Siciid, kaas oo xilka Wasaaradda Gaashaandhigga u sii hayay si ku-meel-gaar ah.
Madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa 5-tii Nofeembar wareegto degdeg ah xilkan ugu magacaabay Mahamade, si uu u hoggaamiyo siyaasadda difaaca iyo hay’adaha milateriga ee dalka.
Diblumaasi Loo Xulay Difaaca Qaranka
Warbaahinta dowladda Jabuuti ayaa wasiirka cusub ku tilmaantay diblumaasi khibrad qotodheer leh oo waayihiisa shaqo ku soo dhex dhisay Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah.
Wasiir Mahamade ayaa horay u soo noqday Agaasimaha Iskaashiga Caalamiga ah iyo Safiirka Jabuuti ee dalka Ereteriya.
Khibraddiisa diblumaasiyadeed ayaa la filayaa inay gacan weyn ka geysato maareynta arrimaha amniga iyo iskaashiga difaaca, xilli Jabuuti ay sii waddo doorkeeda istaraatiijiyadeed ee ilaalinta xasilloonida gobolka Geeska Afrika.
Sooyaalkii Wasiirkii Hore
Magacaabista iyo xil-la-wareegidda Mahamade ayaa soo afjareysa xil-bannaanidii Wasaaradda Gaashaandhigga oo aan wasiir rasmi ah lahayn tan iyo bishii Luulyo ee sannadkan, kaddib markii wasiirkii hore, AUN Xasan Cumar Maxamed Burhaan, uu xaalad caafimaad ugu geeriyooday magaalada Paris ee dalka Faransiiska.
Marxuum Burhaan ayaa Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Arrimaha Baarlamaanka soo maamulayay tan iyo 2019-kii, isagoo booskaas loo magacaabay kaddib dib-u-doorashadii Madaxweyne Geelle iyo dhismihii xukuumadda cusub ee ka kooban 26-ka wasiir.
Ka hor inta aan loo dhiibin hoggaaminta difaaca dalka, Burhaan wuxuu sidoo kale soo qabtay xilka Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Jabuuti.



























