| Somali
CAALAMKA
2 daqiiqo akhris
Caleemo-saarka Galmudug: Madaxweynaha, iyo Ra’iisul Wasaaraha oo gaaray Dhuusamareeb
Madaxda ugu sarraysa Dowladda Federaalka iyo inta badan hoggaamiyeyaasha dowlad-goboleedyada ayaa isugu tegay xarunta Galmudug, si ay uga qayb-galaan munaasabadda caleemo-saarka Hoggaamiyaha cusub ee Galmudug
Caleemo-saarka Galmudug: Madaxweynaha, iyo Ra’iisul Wasaaraha oo gaaray Dhuusamareeb
Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, iyo Hoggaamiyaha cusub ee Galmudug, Liibaan Axmed Xasan / Villa Somalia - Meta

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, iyo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka, Xamsa Cabdi Barre, ayaa Khamiistii gaaray magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Dowlad-goboleedka Galmudug, si ay goobjoog uga noqdaan munaasabadda caleemo-saarka hoggaanka cusub ee maamulkaas.

Wafdiga madaxda ugu sarraysa qaranka ayaa waxaa Garoonka Diyaaradaha Ugaas Nuur si diirran ugu soo dhaweeyay Hoggaamiyaha cusub ee Galmudug, Liibaan Axmed Xasan, mas'uuliyiin ka tirsan maamulkiisa, iyo qaybaha kala duwan ee bulshada Dhuusamareeb.

Booqashada madaxda ayaa imaanaysa iyadoo magaaladu ay haatan tahay martigeliyaha madasha siyaasadda Soomaaliya,xilli ay halkaas ku sii qulqulayaan madaxda dowlad-goboleedyada dalka iyo ergooyin kale oo heer caalami ah.

Qulqulka Madaxda Dowlad-goboleedyada

Waxaa sidoo kale Khamiistii Dhuusamareeb gaaray wafdiyo isdaba-joog ah oo ay kala hoggaaminayaan madaxda maamul-goboleedyada dalka iyo mas'uuliyiin sar-sare.

Liibaan Axmed Xasan ayaa garoonka ku soo dhaweeyay Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka dalka, Saalax Axmed Jaamac, iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Xasan Maxamed Xuseen.

Dhinaca dowlad-goboleedyada, waxaa si isku mid ah magaalada u soo gaaray Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Aadan Maxamed Nuur; Madaxweynaha Hirshabeelle, Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe); iyo Madaxweynaha Maamulka SSC-Khaatumo ee Waqooyi Bari Soomaaliya, Cabdulqaadir Axmed Aw-Cali (Firdhiye), si ay qayb uga noqdaan munaasabadda caleemo-saarka.

Caleemo-saarka iyo ahmiyadaha maamulka cusub

Isu-Imaatinkan ballaaran ee madaxda qaranka iyo kuwa maamul-goboleedyada ayaa ku aaddan caleemo-saarka Liibaan Axmed Xasan, oo 22-kii Oktoobar 2026 loo doortay Hoggaamiyaha Galmudug, iyo Hoggaamiye Ku-xigeenkiisa Cabdiwali Ibraahim Aadan.

Liibaan, oo dhowaan si rasmi ah xilka ugala wareegay madaxweynihii hore Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor), ayaa durba soo bandhigay barnaamij-siyaasadeedkiisa cusub.

Wuxuu xaqiijiyay in mudnaanta koowaad uu siin doono sugidda amniga deegaannada Galmudug, dar-dargelinta dagaalka ka dhanka ah kooxaha argagixisada ah,xoojinta dib-u-heshiisiinta dhabta ah ee bulshada, iyo daadejinta adeegyada aasaasiga ah ee bulshada.

Munaasabadda caleemo-saarka, oo la filayo inay noqoto madal lagu muujiyo isku-xirnaanta hay'adaha dowladda, ayaa astaan u ah marxalad cusub oo u bilaabatay dowlad-dhiska iyo horumarinta maamulka Galmudug.

XIGASHO:TRT SOMALI