| Somali
CAALAMKA
2 daqiiqo akhris
Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya oo safar shaqo uga billowday dalka Jabuuti
Wefdiga Guddoomiye Cabdulqaadir Jaamac ayaa si heer sare ah loogu soo dhoweeyay caasimadda, iyadoo lagu wado inuu maanta khudbad taariikhi ah ka jeediyo fadhi gaar ah oo uu yeelanayo Golaha Qaranka Jabuuti
Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya oo safar shaqo uga billowday dalka Jabuuti
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BFS, Cabdulqaadir Maxamed Nuur iyo Guddoomiyaha Golaha Qaranka Jabuuti, Dileita Mohamed Dileita / Others

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Cabdulqaadir Maxamed Nuur Jaamac, ayaa Axaddii (1-dii Nofeembar) safar shaqo oo afar maalmood qaadanaya ku tagay dalka Jabuuti, si uu wada-hadallo la xiriira iskaashiga sharci-dejinta ula yeesho dhiggiisa dalkaas.

Wefdiga Guddoomiyaha, oo ay qayb ka yihiin Habdhowraha Golaha Shacabka Xildhibaan Maxamed Cabdullaahi Xasan (Nuux), Xoghayaha Guud ee Golaha, iyo saddex xubnood oo ka tirsan Xukuumadda Federaalka ayaa waxaa Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee Ambouli si diirran ugu soo dhoweeyay Guddoomiyaha Golaha Qaranka Jabuuti, Dileita Mohamed Dileita, iyo xildhibaannada Guddiga Saaxiibtinimada ee labada dal.

Soo-dhoweynta kaddib, labada Guddoomiye ayaa kulan hordhac ah oo albaabadu u xiran yihiin ku yeeshay garoonka diyaaradaha.

Fadhi gaar ah iyo khudbad taariikhi ah 

Sida uu qorshuhu yahay, Guddoomiye Cabdulqaadir Jaamac ayaa Isniinta (2-da Nofeembar) khudbad dhinacyo badan taabanaysa ka jeedin doona fadhi gaar ah oo uu yeelanayo Baarlamaanka Jabuuti.

Madashan oo uu sidoo kale ka hadli doono Guddoomiye Dileita, ayaa diiradda lagu saari doonaa xiriirka walaaltinimo ee labada shacab, derisnimada, iyo muhiimadda ay leedahay in la mideeyo aragtiyaha hay'adaha sharci-dejinta ee Muqdisho iyo Jabuuti.

Is-weydaarsiga khibradaha iyo xoojinta iskaashiga 

Safarkan oo ku eg 5-ta Nofeembar ayaa salka ku haya dardargelinta xiriirka diblumaasiyadeed ee labada waddan. 

Inta uu socdo kormeerkan, madaxda labada baarlamaan waxay wada-xaajoodyo ka yeelan doonaan dariiqyada lagu ballaarin karo is-dhaafsiga waayo-aragnimada, tayeynta shaqada guddiyada baarlamaanka, iyo sidii loo joogteyn lahaa wada-tashiyada siyaasadeed ee arrimaha masiiriga ah ee ay labada dal wadaagaan.

Booqashadan oo ku timid martiqaad rasmi ah oo uu Guddoomiye Jaamac ka helay dhiggiisa Jabuuti, ayaa dhabaha u xaaraysa weji cusub oo wada-shaqeyneed oo dhex mara labada Gole ee wada-dhashay.

XIGASHO:TRT SOMALI
Raadi Warar Kale
SoDMA iyo UNICEF oo xoojinaya iskaashiga saadka iyo gaadiidka gargaarka bani’aadannimo
Wasiirka Amniga Gudaha Soomaaliya oo kormeeray saraakiil tababarro casri ah ku qaadanaya Ruushka
RW ku-xigeenka XFS oo Toddobaadka Kalluumeysiga booqday markabka Marina Seafood ee Dekedda Muqdisho
Taliyaha CXDS oo Booqday Askartii ku Dhaawacantay Hawlgallada ka Dhanka ah Al-Shabaab
Dalalka Afrika oo ku heshiiyay inay xuduudahooda furnaadaan inkastoo uu dillaacay cudurka Ebola
Suudaan oo In ka Badan 20 Dal ku Eedeysay inay ku Lug Leeyihiin Dagaalka Dalka ka Socda
ICAO oo Xoojinaysa Iskaashiga Dhinaca Duulista Rayidka ee Soomaaliya
Soomaaliya oo Shir ka Dhacay Qatar ku Soo Bandhigtay Horumarka Duulista Rayidka
Guddoomiye Cabdulqaadir oo Rugta Ganacsiga Soomaaliyeed Kala Hadlay Ganacsiga iyo Maalgashiga
Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Muqdisho Kula Kulmay Wakiillo ka Socda Bulshada Rayidka ah
Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo Khudbad ka Jeediyay Madasha 7-aad ee Caalamiga ah ee Dhaqammada
Madasha Qaran ee Amniga Internetka oo Markii Afaraad Lagu Qabtay Muqdisho
Soomaaliya oo Xarigga ka Jartay Machadka Cilmi-baarista Beeraha
SONSA oo Soo Dhoweysay Baaqii Madaxweyne Xasan Sheekh ee Wadahadalka Doorashooyinka Federaalka
Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Dekedaha oo Furay Kulan Wadatashi ah oo ku Saabsan Siyaasadda Dekedaha
Wafdi Soomaaliyeed oo Rabat Kula Kulmay Saddex Wasaaradood iyo Toban Hay’adood oo Marookaan ah
Weerarro ay Drones-ka RSF ku qaadeen xarumaha korontada oo sababay koronto la’aan ka dhacday Suudaan
Soomaaliya oo ka Qaybgashay Kalfadhigii 10-aad ee Guddiga Tirakoobka Afrika
Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo Booqday Safaaradda Soomaaliya ee Baku
Labada Aqal ee Baarlamanka Soomaaliya oo Kulan Wadajir ah ka Yeeshay Xisaab-xirka Miisaaniyadda 2025