| Somali
CAALAMKA
1 daqiiqo akhris
SoDMA iyo UNICEF oo xoojinaya iskaashiga saadka iyo gaadiidka gargaarka bani’aadannimo
SoDMA iyo UNICEF ayaa ka wada hadlay sidii loo horumarin lahaa nidaamka gaadiidka iyo saadka gargaarka bani’aadannimo, gaar ahaan waddada isku xirta Muqdisho iyo Baydhabo, si loo dedejiyo gaarsiinta gargaarka loogana hortago dib-u-dhacyada.
SoDMA iyo UNICEF oo xoojinaya iskaashiga saadka iyo gaadiidka gargaarka bani’aadannimo
SoDMA iyo UNICEF oo xoojinaya iskaashiga saadka iyo gaadiidka gargaarka bani’aadannimo

Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Soomaaliyeed (SoDMA), oo kaashanaysa Sanduuqa Qaramada Midoobay u qaabilsan Carruurta (UNICEF), ayaa kulan ku qabatay magaalada Muqdisho, kaas oo lagu xoojinayay iskaashiga ka dhexeeya hay’adaha dowladda, ganacsatada iyo shirkadaha ka shaqeeya gaadiidka iyo saadka gargaarka bani’aadannimo, gaar ahaan waddada isku xirta Muqdisho iyo Baydhabo.

Wadahadallada ayaa diiradda lagu saaray qiimeynta awoodda gaadiidka, aqoonsiga caqabadaha saameeya gaarsiinta gargaarka bani’aadannimo iyo dhisidda nidaam saadka oo hufan isla markaana ammaan badan, si loo dedejiyo gargaarka loogana hortago dib-u-dhacyada iyo leexsashada gargaarka.

Hindisahan ayaa qeyb ka ah dadaallada SoDMA ee lagu horumarinayo hufnaanta, isla-xisaabtanka iyo xoojinta iskaashiga, si loo xaqiijiyo in gargaarka bani’aadannimo uu gaaro bulshooyinka sida aadka ah ugu baahan.

XIGASHO:SONNA