Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa madal taariikhi ah ka caddeeyay in amniga Soomaaliya iyo kan Jabuuti aan marnaba la kala saari karin, isagoo ku baaqay in la xoojiyo iskaashiga labada dal xilli Geeska Afrika uu wajahayo xiisado amni iyo loollan siyaasadeed oo soo kordhaya.
Guddoomiye Jaamac, oo khudbad qotodheer ka jeedinayay xarunta Golaha Qaranka Jabuuti kaddib martiqaad uu ka helay dhiggiisa Dileyta Maxamed Dileyta, ayaa u doortay Jabuuti inay noqoto safarkiisii shaqo ee ugu horreeyay ee baarlamaan dal shisheeye uu ku tago tan iyo markii xilka loo doortay.
Isagoo u khudbadaynayay xildhibaannada Jabuuti, ayuu Guddoomiyuhu caddeeyay in xukuumadaha Muqdisho iyo Jabuuti ay wadaagaan mas'uuliyadda ilaalinta nabaddooda.
“Mowqifkeenna JFS waa cad yahay: Amniga Jabuuti waa amnigeenna, amniga Soomaaliyana waa amniga Jabuuti. Nabadda iyo xasilloonida labadeenna dal waa masuuliyad naga wada dhexaysa oo aan shirko ku nahay,” ayuu yiri Guddoomiye Jaamac.
Isagoo farriin diblumaasiyadeed oo adag hawada marinaya, wuxuu intaas raaciyay: “Qofkii aan Jabuuti aqooninow, baro, oo xisaabta yaysan kaa qaldamin. Jabuuti waa Soomaaliya, Soomaaliyana waa Jabuuti. Laba dal waa nahay, waxaase nahay laba dal oo mataana ah, walaalo ah, oo dhiig iyo dhalashaba wadaaga.”
Doorka Jabuuti ee Dib-u-dhiska Qaranimada Soomaaliya
Qayb weyn oo ka mid ah khudbadda Guddoomiyaha ayaa diiradda saartay abaalka aan duugoobayn ee Jabuuti ay ku leedahay dadaalladii dib-u-dhiska dowladnimada Soomaaliya,kaddib burburkii dowladdii dhexe sannadkii 1991-kii.
Wuxuu si gaar ah u xusay shirkii dib-u-heshiisiinta ee Carta ee sannadkii 2000, isagoo bogaadiyay doorkii hoggaamineed ee Madaxweynaha Jabuuti.
“Shirarkii Jabuuti martigelisay ee lagu baadi goobayay dowladnimada Soomaaliyeed waxay dhaleen dowladdii Carta, oo Soomaaliya ka saartay marxaladdii dowlad la’aanta, dibna ugu soo celisay fagaarayaasha caalamka. Taasina waxay ka mid tahay miraha hoggaanka xigmadda, dulqaadka iyo aragtida fog leh ee Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle iyo garab istaagga shacabka Jabuuti,” ayuu yiri Guddoomiyuhu.
Taageerada Milateri iyo Dagaalka Argagixisada
Dhinaca kale, Guddoomiye Cabdulqaadir Jaamac ayaa ammaanay taageerada milateri ee Jabuuti, isagoo xusay in kaalmadoodu aysan ku ekaan oo keliya shirar nabadeed iyo diblumaasiyad,balse ay u gudubtay taageero naf-hurnimo oo toos ah.
“Waxaad noo soo dirteen wiilashiinna, iyagoo qayb ka noqday dagaalka adag ee lagula jiro argagixisada, laguna difaacayo nabadda iyo nolosha shacabka Soomaaliyeed,” ayuu yiri, isagoo dhambaal mahadnaq ah u diray saraakiisha iyo askarta Jabuuti (Hiil-Walaal) ee ku sugan furimaha hore. “Shacabka Soomaaliyeed wuu arkaa geesinnimadiinna, wuuna qadarinayaa nafhurkiinna, marna ma hilmaami doono garab istaaggiinna.”
Xiisadaha Geeska Afrika iyo Iskaashiga Baarlamaannada
Guddoomiyaha ayaa ka digay marxaladda xasaasiga ah ee uu marayo Geeska Afrika, oo uu tilmaamay in ay ka jiraan "loollan adag, xiisado amni iyo duruufo saamaynaya xasilloonida," taas oo dalbanaysa wada-tashi iyo isku-duubni dheeraad ah oo dhexmarta Muqdisho iyo Jabuuti.
Gaba-gabadii, Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa dhiggiisa Jabuuti u bandhigay qorsheyaal lagu horumarinayo iskaashiga labada baarlamaan. Wuxuu ku baaqay in guddiyada labada aqal ay si dhow u wada shaqeeyaan,xildhibaannadu is-dhaafsadaan khibradaha sharci-dejinta, shaqaalaha baarlamaannadana loo sameeyo tababarro iyo aqoon-isweydaarsiyo wadajir ah.























