| Somali
CAALAMKA
2 daqiiqo akhris
ICAO oo Xoojinaysa Iskaashiga Dhinaca Duulista Rayidka ee Soomaaliya
Hay’adda Duulista Rayidka Caalamiga ah (ICAO) ayaa xaqiijisay sida ay uga go’an tahay xoojinta iskaashiga ay la leedahay Soomaaliya, iyadoo bogaadisay horumarka uu dalku ka sameeyay horumarinta duulista rayidka.
ICAO oo Xoojinaysa Iskaashiga Dhinaca Duulista Rayidka ee Soomaaliya
ICAO oo Xoojinaysa Iskaashiga Dhinaca Duulista Rayidka ee Soomaaliya

Hay’adda Duulista Rayidka Caalamiga ah (ICAO) ayaa mar kale xaqiijisay sida ay uga go’an tahay xoojinta iskaashiga ay la leedahay Soomaaliya, iyadoo bogaadisay horumarka uu dalku ka sameeyay horumarinta waaxda duulista rayidka.

Iskaashigan ayaa looga gol leeyahay horumarinta adeegyada duulista, kor u qaadista xirfadaha iyo aqoonta shaqaalaha, xoojinta nidaamyada hagidda diyaaradaha iyo taageeridda hirgelinta heerarka caalamiga ah ee badqabka duulista. Dadaalladan ayaa la doonayaa in lagu wanaajiyo tayada, badqabka iyo hufnaanta adeegyada duulista rayidka, isla markaana lagu abuuro faa’iidooyin dhaqaale iyo bulsho oo waara oo ay helaan shacabka Soomaaliyeed.

Ballanqaadkan ayaa lagu muujiyay kulan heer sare ah oo magaalada Doha ku dhexmaray Xoghayaha Guud ee ICAO, Juan Carlos Salazar, iyo Agaasimaha Guud ee Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed (SCAA), Axmed Macallin Xasan, oo hoggaaminayay wafdi Soomaaliyeed.

Kulanka waxaa sidoo kale ka qaybgalay Michele Merkle, Agaasimaha Waaxda Hagidda Duulimaadyada ee ICAO, iyo Fabio Rabbani, Agaasimaha Waaxda Taageerada Hirgelinta iyo Horumarinta ee hay’adda.

Intii ay dooduhu socdeen, Agaasimaha Guud ee Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed, Axmed Macallin Xasan, ayaa sheegay in Soomaaliya ay mudnaanta siinayso u diyaargarowga hannaanka kormeerka iyo qiimeynta ICAO, taas oo qayb ka ah dadaallada lagu xoojinayo awoodda hay’adeed ee SCAA, laguna horumarinayo nidaamyada duulista rayidka ee dalka.

Wuxuu sidoo kale adkeeyay muhiimadda ay leedahay sii wadista iskaashiga iyo taageerada farsamo ee ICAO, si loo dardargeliyo qorshayaasha horumarinta duulista Soomaaliya, kor loogu qaado xirfadaha shaqaalaha, loona casriyeeyo nidaamyada iyo adeegyada lagama maarmaanka u ah duulista badqabka leh ee hufan.

Xoojinta iskaashiga Soomaaliya iyo ICAO ayaa la filayaa inay gacan ka geysato sii wadista horumarinta badqabka duulista, hagidda diyaaradaha iyo bixinta adeegyada. Waxa kale oo ay Soomaaliya u tahay fursad muhiim ah oo ay ku xoojin karto awooddeeda dhinaca nidaaminta iyo kormeerka, ku ballaarin karto fursadaha dhaqaale, kuna xaqiijin karto in horumarka waaxda duulistu uu shacabka u horseedo faa’iidooyin muuqda oo waara.

Kulanka ayaa ka dhacay dhinaca shirka siddeedaad ee Agaasimayaasha Guud ee Duulista Rayidka ee Gobolka Bariga Dhexe (DGCA-MID/8), kaas oo Soomaaliya ay kaga qaybgashay doodaha ay la yeelatay dalalka kale ee gobolka, laguna doonayay xoojinta iskaashiga iyo horumarinta duulista rayidka.

Ka qaybgalka Soomaaliya ee shirkan ayaa muujinaya sida ay uga go’an tahay sii wadista iskaashiga caalamiga ah, dhisidda awoodda hay’adaha iyo waafajinta waaxda duulista rayidka ee dalka heerarka iyo habraacyada wanaagsan ee caalamku aqoonsan yahay.

XIGASHO:SONNA
Raadi Warar Kale
Madasha Qaran ee Amniga Internetka oo Markii Afaraad Lagu Qabtay Muqdisho
Soomaaliya oo Xarigga ka Jartay Machadka Cilmi-baarista Beeraha
SONSA oo Soo Dhoweysay Baaqii Madaxweyne Xasan Sheekh ee Wadahadalka Doorashooyinka Federaalka
Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Dekedaha oo Furay Kulan Wadatashi ah oo ku Saabsan Siyaasadda Dekedaha
Wafdi Soomaaliyeed oo Rabat Kula Kulmay Saddex Wasaaradood iyo Toban Hay’adood oo Marookaan ah
Weerarro ay Drones-ka RSF ku qaadeen xarumaha korontada oo sababay koronto la’aan ka dhacday Suudaan
Soomaaliya oo ka Qaybgashay Kalfadhigii 10-aad ee Guddiga Tirakoobka Afrika
Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo Booqday Safaaradda Soomaaliya ee Baku
Labada Aqal ee Baarlamanka Soomaaliya oo Kulan Wadajir ah ka Yeeshay Xisaab-xirka Miisaaniyadda 2025
Wafdi ka Socda Hay’adda Hawada Sare ee Turkiga oo Booqasho ku Tagey Soomaaliya
Madaxda Soomaaliya oo Hambalyo u Diray Hoggaanka Cusub ee Hirshabeelle
Ciidamada Suudaan oo RSF kala wareegay saldhig militari oo istiraatiiji ah
Laanqeyrta Cas oo ka Digtay Khasaaraha Rayidka ee Sii Kordhaya ee ka Dhasha Weerarrada Cirka Suudaan
Soomaaliya iyo Uganda oo kala saxiixday heshiis lagu xoojinayo iskaashiga shaqada iyo shaqaalaha
RW Xamza oo ka qeyb galay munaasabadda xiritaanka Shirweynaha Culimada Haweenka Soomaaliyeed
Madaxda Qaranka oo Liibaan Axmed Xasan ugu Hambalyeeyay Doorashadiisa Madaxweynaha Galmudug
Dowlado iyo hay’ado caalami ah oo Geneva ku yeeshay kulan lagu xoojinayo dadaallada nabadda Suudaan
Soomaaliya oo Cambaaraysay Khariidad uu Soo Bandhigay Netanyahu, kuna Tilmaantay Xadgudub
Baarlamaanka Galmudug oo Dhageystay Barnaamijyada Siyaasadeed ee Musharraxiinta Madaxweynaha
Soomaaliya iyo Morocco oo ku Heshiiyay Xoojinta Iskaashiga Tamarta, Macdanta, Beeraha iyo Dalxiiska