| Somali
CAALAMKA
2 daqiiqo akhris
SONSA oo Soo Dhoweysay Baaqii Madaxweyne Xasan Sheekh ee Wadahadalka Doorashooyinka Federaalka
Dalladaha Bulshada Rayidka Soomaaliyeed (SONSA) ayaa soo dhaweeyay baaqa iyo hindisaha wadahadalka ee Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, kaas oo lagu doonayo in lagu xalliyo khilaafaadka siyaasadeed ee ku xeeran hannaanka doorashooyinka federaalka.
SONSA oo Soo Dhoweysay Baaqii Madaxweyne Xasan Sheekh ee Wadahadalka Doorashooyinka Federaalka
SONSA oo Soo Dhoweysay Baaqii Madaxweyne Xasan Sheekh ee Wadahadalka Doorashooyinka Federaalka

Dalladaha Bulshada Rayidka Soomaaliyeed (SONSA) ayaa soo dhaweeyay casuumaadda iyo hindisaha wadahadalka ee uu soo jeediyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, si xal looga gaaro khilaafaadka siyaasadeed ee ku xeeran hannaanka doorashooyinka federaalka.

SONSA ayaa hindisahan u aragta tallaabo muhiim ah oo ay tahay inay horseeddo natiijooyin la taaban karo. Iyadoo la tixgelinayo xaaladda adag ee dalka ka jirta, SONSA ayaa ugu baaqday dhammaan dhinacyada inay si dhab ah u gutaan mas’uuliyadahooda, si buuxda uga qaybgalaan wadahadalka, kana fogaadaan dib-u-dhacyo kale.

SONSA ayaa sheegtay inay ka go’an tahay inay wadahadalka ka qaadato door wax dhisaya oo wadajir ah, isla markaana ay sii waddo dadaalladeeda ku aaddan wax ka qabashada caqabadaha hortaagan wadahadallada ku saabsan hannaanka doorashooyinka federaalka.

SONSA ayaa rajeynaysa in wadahadalku noqdo mid dhab ah oo ku dhisan tanaasul macno leh, isla markaana ay jirto ka go’naansho cad oo lagu raadinayo xalal waara oo laga gaaro arrimaha aasaasiga ah ee ku xeeran hannaanka doorashooyinka.

SONSA ayaa sidoo kale soo jeedisay in wadahadalku uu dhammaystiro, kuna dhisnaado dadaalladii hore ee ay hoggaaminaysay beesha caalamka, kuwaas oo lagu doonayay in la isu soo dhaweeyo Dowladda Federaalka iyo kooxaha mucaaradka, oo ay ka mid yihiin Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed, Madasha Midnimada Qaranka iyo Nabad iyo Nolol.

Ugu dambeyn, SONSA ayaa ku baaqday in la mideeyo dadaallada lagu xaqiijinayo in wadahadalku noqdo mid loo dhan yahay, oo ay matalaad ku yeeshaan dhammaan dhinacyada ay khuseyso. Ka qaybgalka loo dhan yahay ayaa gacan ka geysan doona xaqiijinta hirgelinta heshiis kasta oo la gaaro iyo wax ka qabashada khilaafaadka siyaasadeed ee saameynaya geeddi-socodka dowlad-dhiska Soomaaliya, amniga, dhaqaalaha, midnimada qaranka iyo kalsoonida shacabka.

XIGASHO:SONNA