Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ayaa digniin adag u dirtay dhammaan hay’adaha warbaahinta, mareegaha internetka iyo maamullada akoonnada baraha bulshada ee si ula kac ah uga qayb qaata diyaarinta iyo faafinta borobagaandada argagixisada iyo maleeshiyaadka xulafada la ah maleeshiyada Al-Shabaab ee uu hoggaamiyo Cabdicasiis Laftagareen.
Digniintan ayaa tixraacaysa Sharciga Warbaahinta, Sharciga La-dagaallanka Argagixisada, Wax-ka-beddelka Sharciga Ka-hortagga Lacag-dhaqidda iyo Maalgelinta Argagixisada, Xeerka Ciqaabta Soomaaliyeed iyo xeerarkii hore ee loo soo saaray ka hortagga faafinta borobagaandada argagixisada.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ma aqbalayso in warbaahinta iyo baraha bulshada loo adeegsado abaabulka weerarrada, dhiirrigelinta ku biirista kooxaha argagixisada ama hurinta rabshadaha hubeysan ee khalkhalgelinaya amniga dalka, argagaxna gelinaya shacabka Soomaaliyeed.
Qof kasta oo lagu helo inuu si ula kac ah warbaahinta ama akoon baraha bulshada ah ugu adeegsaday ka qaybgalka ama fududeynta fal-dambiyeedyada kor ku xusan, waxaa laga qaadi doonaa tallaabo sharci ah.
Qof kasta oo warbaahinta ama baraha bulshada u adeegsada fal-dambiyeedyo, oo ay ku jiraan fududeynta, maalgelinta ama dhiirrigelinta falalka argagixisada, waxaa lagu qaadi doonaa tallaabo waafaqsan shuruucda dalka, iyadoo lagu saleynayo caddeymaha jira iyo masuuliyadda qofka.
Qof kasta oo lagu helo caddeymo ku filan oo muujinaya inuu si ula kac ah taageero dhaqaale u siiyay argagixisada ama ka qayb qaatay maalgelinteeda, waxaa la horgeyn doonaa caddaaladda si waafaqsan sharciga.
Wasaaradda ayaa ugu baaqday hay’adaha warbaahinta iyo maamullada akoonnada baraha bulshada inay ka fogaadaan falalka kor ku xusan, isla markaana u hoggaansamaan shuruucda dalka iyo anshaxa saxaafadda.






















