Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Taliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ka qaybgalay munaasabad qaran oo lagu xusayay Maalinta Calanka Soomaaliyeed, oo sannad kasta la xuso 12-ka Oktoobar, taas oo astaan u ah madaxbannaanida, midnimada iyo aqoonsiga qarannimo ee Soomaaliya.
Munaasabadda ayaa waxaa ka qaybgalay taliyeyaasha sare ee ciidamada amniga dalka, oo ay ka mid yihiin Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud; Taliyaha Ciidanka Dhulka, Sarreeye Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar; Taliyaha Ciidanka Cirka, Sarreeye Guuto Cabdirisaaq Maxamuud Xaaji; Taliyaha Ciidanka Badda, Sarreeye Cabdiwahaab Cabdullaahi Cumar; Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Sarreeye Asad Cismaan Cabdullaahi; Taliyaha Ciidanka Asluubta, Sarreeye Guuto Maxamed Sheekh Xasan Xaamud; iyo Agaasimaha Guud ee Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda Qaranka (NISA), Mahad Maxamed Salaad.
Taliyeyaasha ayaa Madaxweyne Xasan Sheekh kala qaybgalay xuska Calanka Qaranka, iyagoo mar kale xaqiijiyay sida ay ciidamada amniga uga go’an tahay ilaalinta madaxbannaanida, gobannimada iyo midnimada qaranka Soomaaliyeed. Waxaa sidoo kale munaasabadda ka qaybgalay cutubyo ka tirsan ciidamada Dhulka, Cirka iyo Badda.
Munaasabadda qaran ee xuska Maalinta Calanka Soomaaliyeed oo lagu qabtay Madaxtooyada Qaranka ayaa sidoo kale waxaa ka qaybgalay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre; Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac); Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad ee Aqalka Sare, Cali Shacbaan Ibraahim; iyo Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Baashe Yuusuf Axmed, kuwaas oo Madaxweynaha iyo Ciidamada Qalabka Sida kala qaybgalay xuska Maalinta Calanka Soomaaliyeed.





















