Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa Talaadadii xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Shacabka Algeria u fadhiya Soomaaliya, Dr. Mohamed Alim.
Kulanka oo ahaa mid isbarasho ah ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iyo horumarinta xiriirka iyo iskaashiga Soomaaliya iyo Algeria.
Safiirka Algeria ayaa sheegay in dowladdiisa ay ka go’an tahay dib-u-xoojinta iyo horumarinta xiriirka labada dal, gaar ahaan iskaashiga u dhexeeya labada dowladood.
Labada dhinac ayaa isku raacay in la xoojiyo xiriirka iyo iskaashiga u dhexeeya Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo Golaha Qaranka ee Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Shacabka Algeria, gaar ahaan iskaashiga baarlamaannada, is-weydaarsiga waayo-aragnimada iyo wadaagista aqoonta.























