Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga, Hakan Fidan, ayaa Isniinta magaalada Riyadh kaga qaybgalaya kulanka Guddiga Siyaasadda iyo Difaaca Istaraatiijiga ah, kaas oo salka ku haya 'Heshiiska Difaaca Wadajirka ah ee Maka' oo ay wadaagaan dalalka Turkiga, Sacuudiga, iyo Bakistaan.
Wasiir Fidan waxaa safarkan ku wehliya Wasiirka Difaaca Turkiga, Yasar Guler, iyo Taliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida, Jeneraal Selcuk Bayraktaroglu.
Kulankan ayaa diiradda lagu saari doonaa sidii loo dar dargelin lahaa dhismaha hay’adaha rasmiga ah ee isbahaysiga, tallaabooyinka xiga ee ay saddexda waddan qaadayaan, iyo sidii si wadajir ah looga hortagi lahaa khataraha saameynaya nabadda iyo xasilloonida Bariga Dhexe.
Wasiir Fidan ayaa la filayaa inuu shirka ku soo bandhigo qorshe ay xukuumadda Ankara ku doonayso in heshiiskan loogu sameeyo hannaan rasmi ah oo joogto ah.
Sidoo kale, waxa uu si weyn u iftiimin doonaa sida horumarka degdegga ah ee laga sameeyay hirgelinta heshiiskanmuddada kooban ee uu jiro muu muhiim ugu yahay xaqiijinta xasillooni waarta oo ka dhalata gobolka.
Garab-istaagga Sacuudiga iyo Amniga Gobolka
Inta uu shirku socdo, Fidan ayaa la filayaa inuu mar kale xaqiijiyo taageerada buuxda ee uu Turkigu u hayo dalka Sacuudiga, kaddib weerarradii dhowaa ee ay kooxda Xuutiyiintu ku beegsadeen goobaha barakeysan, isagoo falalkaas ku tilmaami doona daandaansi aan marnaba la aqbali karin.
Waxa uu soo jeedin doonaa in saddexda dal ay si wadajir ah uga jawaabaan khatarahaas si looga hortago in qalalaasuhu uu sii fido.
Dhanka kale, wasiirka ayaa carrabka ku adkeyn doona muhiimadda ay leedahay ilaalinta xorriyadda iyo ammaanka maraakiibta mara jidadka ganacsiga caalamiga ah.
Sidoo kale, waxa uu si adag uga hadli doonaa weerarrada Israa’iil, kuwaas oo uu Turkigu u arko kuwo si toos ah u carqaladeynaya dadaallada nabadda gobolka, isagoo ku celin doona in khilaafaadka lagu xalliyo waddo nabadeed.
Asalka Heshiiska iyo Tallaabooyinkii Hore Heshiiska Difaaca Wadajirka ah ee Maka ayaa 7-dii Agoosto ee sannadkan waxaa si rasmi ah u wada saxiixay Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan, Dhaxal-sugaha Sacuudiga Maxamed bin Salmaan (MBS), iyo Ra’iisul Wasaaraha Bakistaan Shehbaz Sharif.
Ujeeddada isbahaysigan ayaa ah in dhibaatooyinka gobolka xal looga raadiyo gudaha gobolka, iyadoo la xoojinayo awoodda difaac iyo fal-celinta wadajirka ah ee saddexda waddan.
Saddexda waddan ayaa heshiiska ku dhex-dhisay Guddiga Siyaasadda iyo Difaaca Istaraatiijiga ah, kaas oo ay xubno ka yihiin Wasiirrada Arrimaha Dibadda, Wasiirrada Difaaca, iyo Taliyeyaasha Ciidamada.
Guddigan ayaa shirkoodii ugu horreeyay 31-kii Agoosto ku yeeshay magaalada Istanbuul, halkaas oo lagu go'aamiyay in xarunta xoghaynta isbahaysiga laga dhiso magaalada Riyadh, iyadoo Xoghayaha Guud ee ugu horreeyana loo magacaabay Sarreeye Guud Nauman Mahmood oo hawlgab ka ah ciidamada Bakistaan.
Dadaalladan ayaa daba-socda shirar is-daba-joog ah oo ay dhinacyadu yeesheen bishii Sebtembar.
24-kii Sebtembar, Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee saddexda dal ayaa ku kulmay New York doceeda kalfadhigii 81-aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay, halkaas oo ay si wadajir ah ugu cambaareeyeen weerarrada Xuutiyiinta ee lagu beegsaday Maka iyo kaabeyaasha rayidka iyo dhaqaalaha ee Sacuudiga.
Maalin kaddib, 25-kii Sebtembar, ayaa sidoo kale Taliyeyaasha Ciidamada ee saddexda dal ay iyaguna kulan istaraatiiji ah ku yeesheen magaalada Riyadh.




















