| Somali
CAALAMKA
1 daqiiqo akhris
Agaasimaha NIRA oo Booqday Xarunta Mideysan ee Bixinta Adeegyada Dadweynaha Qaranka
Agaasimaha Guud ee NIRA, Cabdiwali Cali Cabdulle (Timacadde), ayaa booqday Xarunta Mideysan ee Bixinta Adeegyada Dadweynaha Qaranka (HALMEEL), iyadoo laga wada hadlay isku xirka adeegyada aqoonsiga iyo nidaamka adeeg-bixinta HALMEEL.
Agaasimaha NIRA oo Booqday Xarunta Mideysan ee Bixinta Adeegyada Dadweynaha Qaranka
Agaasimaha NIRA oo Booqday Xarunta Mideysan ee Bixinta Adeegyada Dadweynaha Qaranka

Agaasimaha Guud ee Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka (NIRA), Cabdiwali Cali Cabdulle (Timacadde), ayaa booqday Xarunta Mideysan ee Bixinta Adeegyada Dadweynaha Qaranka (HALMEEL), halkaas oo uu ku soo dhaweeyay Agaasimaha Guud ee xarunta, Maxamed Dubo.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga labada hay’adood iyo isku xirka adeegyada aqoonsiga iyo diiwaangelinta qaranka ee NIRA iyo nidaamka adeeg-bixinta HALMEEL, si muwaadiniinta loogu fududeeyo helitaanka adeegyo dawladeed oo hufan oo isku xiran.

Intii ay booqashadu socotay, Agaasimaha Guud Cabdiwali Cali Cabdulle (Timacadde) ayaa kormeeray Xarunta Adeegyada HALMEEL, oo ay ku jiraan xafiisyada iyo goobta adeegga ee loo asteeyay NIRA.

Iskaashiga NIRA iyo HALMEEL ayaa ah tallaabo muhiim ah oo loo qaaday dhismaha nidaam adeegyo dadweyne oo si wanaagsan isugu xiran, kaas oo muwaadiniinta u suurtagelinaya inay si fudud ku helaan adeegyo dawladeed oo kala duwan iyagoo adeegsanaya hal aqoonsi.

XIGASHO:SONNA