Wasiirka Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Soomaaliya, Faarax Sheekh Cabdulqaadir, ayaa magaalada Ankara kula kulmay Wasiir Ku-xigeenka Waxbarashada Turkiga, Celile Eren Ökten.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray sidii loo sii xoojin lahaa iskaashiga Soomaaliya iyo Turkiga ee dhinacyada waxbarashada iyo tacliinta sare.
SHEEKOOYIN KALE
Kulanka ayaa qayb ka ahaa dadaallada lagu xoojinayo xiriirka iyo iskaashiga waxbarasho ee Soomaaliya iyo Turkiga, gaar ahaan horumarinta tacliinta sare iyo iskaashiga hay’adaha waxbarashada ee labada dal.
Waxaa kulanka sidoo kale ka qayb galay Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya Turkiga, Fathudiin Cali Maxamed.
XIGASHO:SONNA



















