| Somali
CAALAMKA
1 daqiiqo akhris
SoDMA iyo WHO oo Ka Wada Hadlay U Diyaar-garowga Xaaladaha Degdegga ah ee Caafimaadka
Guddoomiyaha SoDMA, Maxamuud Macallin Cabdulle, iyo Wakiilka WHO ee Soomaaliya, Dr. Humphrey Karamagi, ayaa ka wada hadlay xoojinta iskaashiga u diyaar-garowga iyo gurmadka xaaladaha degdegga ah ee caafimaadka iyo bani’aadannimada.
SoDMA iyo WHO oo Ka Wada Hadlay U Diyaar-garowga Xaaladaha Degdegga ah ee Caafimaadka
SoDMA iyo WHO oo Ka Wada Hadlay U Diyaar-garowga Xaaladaha Degdegga ah ee Caafimaadka / SONNA

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa la kulmay Wakiilka Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO) ee Soomaaliya, Dr. Humphrey Karamagi, si ay uga wada hadlaan xoojinta iskaashiga u diyaar-garowga iyo gurmadka wadajirka ah ee xaaladaha degdegga ah ee caafimaadka iyo bani’aadannimada ee la xiriira fatahaadaha, El Niño iyo cudurrada dillaaca.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray isku-dubbaridka gurmadka degdegga ah, diyaar-garowga iyo qorsheynta, iyo sidoo kale gaarsiinta taageerada caafimaad iyo bani’aadannimo bulshooyinka ay musiibooyinku saameeyeen.

Guddoomiye Maxamuud Macallin ayaa WHO uga mahadceliyay kaalinta joogtada ah ee ay ka qaadato gurmadka caafimaad iyo bani’aadannimo ee Soomaaliya, wuxuuna ku baaqay in taageero dheeraad ah la siiyo bulshooyinka xilliyada xaaladaha degdegga ah ee bani’aadannimada iyo caafimaadka.

XIGASHO:SONNA