| Somali
SIYAASADDA
5 daqiiqo akhris
Dowladda Soomaaliya: Weerarrada Muqdisho waxay hoos u dhaceen ku dhowaad 90%
Soomaaliya ayaa doonaysa inay sii xoojiso horumarka amni ee Muqdisho, iyadoo dhinaca kale sii wadda hawlgallada milateri ee ka dhanka ah argagaxisada Al-shabaab
Dowladda Soomaaliya: Weerarrada Muqdisho waxay hoos u dhaceen ku dhowaad 90%
Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi / OPM Somalia

Weerarrada argagixisada ee ka dhaca magaalada Muqdisho ayaa sannadihii u dambeeyey hoos u dhacay ku dhowaad 90%, sida uu sheegay Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi.

Wasiir Fiqi oo Sabtidii ka hadlay munaasabad lagu qabtay xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga ee degmada Dayniile, ayaa tilmaamay in qiimeyn amni oo halkaas lagu soo bandhigay ay muujisay in weerarrada argagixisadu ay hoos u dhaceen qiyaastii 87%.

“Ku dhowaad 87% weerarradii argagixisadu way hoos u dhaceen, sida warbixinta hadda lagu bixiyey,” ayuu yiri Fiqi.

Waxa uu xusay in tiradaasi ay muujinayso isbeddel weyn oo ku yimid xaaladda amni ee caasimadda, marka loo eego sannadihii ay kooxaha hubeysan si joogto ah u weerari jireen xarumaha dowladda, goobaha dadweynaha, iyo waddooyinka muhiimka ah.

Fiqi ayaa intaas ku daray in dowladdu ay qorsheynayso in hoos u dhaca weerarradu uu dhaafo 90% bilaha soo socda.

“Darajada A ayaad gaarsiiseen magaalada Muqdisho. A+ na waan sugaynaa,” ayuu yiri, isaga oo xusay in hadafku yahay in heerka hoos u dhaca weerarradu uu gaaro 93% ilaa 95%.

Wasiirku waxa uu dib u xusuustay xaaladdii amni ee Muqdisho dhowr sano ka hor, gaar ahaan xilligii doorashooyinka. “Afar sano iyo bar ka hor, markii doorashada la qabanayey, oo Madaxweynaha ama Guddoomiyaha Baarlamaanka la dooranayey, hareeraha hoolka doorashada hoobiyeyaal ayaa sidii dhagxaantii ugu hoobanayey,” ayuu yiri.

Waxa uu tilmaamay in xaaladdaasi ay maanta si weyn isu beddeshay, isaga oo tusaale u soo qaatay in madaxda dowladda iyo saraakiisha amnigu ay habeenkii ku kulmi karaan xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga ee Dayniile iyaga oo aan wax cabsi ah qabin.

“Caawa halkan Dayniile, Wasaaradda Gaashaandhigga oo ku taalla, inaan caawa ku caweyno cabsi la’aan,” ayuu raaciyay.

Guulaha amniga iyo naf-hurnimada Ciidanka

Wasiir Fiqi ayaa horumarka dhanka amniga u sababeeyey hawlgallada ay wadeen Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA), booliska, milateriga, iyo wada-shaqeynta shacabka Gobolka Banaadir.

Waxa uu sheegay in ciidamada dowladdu ay sidoo kale gaareen deegaanno aan hore loo tegi karin sababo la xiriira joogitaanka Al-Shabaab, taas oo sida uu xusay xoojisay difaaca caasimadda.

“Maanta ciidamada ayaa jooga, gacantana ku haya aagag kala duwan oo dalka ka tirsan, oo halkaas laga ilaalinayo caasimadda iyo dhulka Soomaaliyeed oo dhan,” ayuu yiri.

Wasiirka ayaa bogaadiyay saraakiisha iyo ciidamada habeen iyo maalin u taagan sugidda amniga, isaga oo hoosta ka xarriiqay in guulaha la gaaray ay ku yimaadeen naf-hurnimo weyn.

Waxa uu shaaciyay in ku dhowaad 300 oo askari ay ku dhinteen qaraxyada iyo dilalka Al-Shabaab, halka khasaaraha guud ee soo gaaray ciidamada Nabad-sugidda iyo booliska uu ku sheegay inuu gaarayo kumannaan.

“Amniga wiilashaas qaaliga ah ayaan ku weynay, dad badan oo shacab ahna waan ku weynay,” ayuu yiri Fiqi, oo dhanka kale uga digay ciidamada iyo shacabka inay ka feejignaadaan isku-day kasta oo lagu carqaladeynayo xasilloonida.

“Feejignaada, indhahana ha la furo. Kama gorgortameyno amniga,” ayuu intaas ku daray. “Naxariis looma sameyn karo cid kasta oo gacanteeda soo taagta inay amniga dhibaateyso ama ummaddan qalqal ku abuurto.”

Digniinta abaabulka qabaa'ilka iyo difaaca dowladnimada

Wasiirka Gaashaandhigga ayaa sidoo kale si adag uga digay abaabulka maleeshiyaad ku dhisan hab-qabiil iyo isku-day kasta oo dib loogu soo celinayo nidaamkii hoggaamiye-kooxeedyada ee dalka soo maray xilligii burburka.

Waxa uu carrabka ku adkeeyay in Muqdisho aysan dib ugu laaban karin xaalad xaafadaha loogu kala qaybsado qabaa’il, mas'uuliyadda amnigana loo kala jajabiyo kooxo kala duwan. “Arrintaas wax raalli laga noqon karo ma aha,” ayuu yiri.

Fiqi waxa uu ku dooday in hay’adaha dowladda oo xooggan ay lagama maarmaan u yihiin sugidda amniga iyo bixinta adeegyada aasaasiga ah ee caasimadda.

“Ninkii siyaasad raba, saaxadda siyaasadda ha yimaado. Xasan Sheekh reerkiisa ma wato. Ra’iisul Wasaare Xamsa reerkiisa ma wato. Dowlad buu wadaa. Annaguna dhammaanteen reer ma wadno, dowlad baan wadnaa,” ayuu yiri Wasiirku.

Waxa uu intaas raaciyay in dowladdu ay ka awood iyo waxtar badan tahay nidaam kasta oo ku dhisan qabiil, isla markaana ay tahay cidda mas'uulka ka ah ilaalinta dekedda, garoonka diyaaradaha, nadaafadda, iyo kala-dambeynta magaalada. “Dowladda ayaa ka awood weyn, kana waxtar badan; ummaddana uga waxtar badan,” ayuu yiri.

Dhinaca kale, Fiqi ayaa ka jawaabay hadallo la isla dhexmarayo oo sheegaya in Muqdisho aysan ammaan ahayn ama in ciidamada dowladdu ay burbureen, isaga oo ku tilmaamay kuwo aan ka tarjumayn xaqiiqada hoos u dhaca weerarrada iyo hawlgallada amni ee socda.

Waxa uu sidoo kale difaacay baraha koontaroolka ee Muqdisho, oo uu ku tilmaamay kuwo muhiim u ah ka-hortagga hubka, qaraxyada, iyo khataraha amni.

“Nin weyn baa dadka la soo istaagaya oo leh: ‘Maxaa barta koontaroolka dadka loogu baarayaa?’ Ninkaasi muxuu qarinayaa?” ayuu is-weydiiyay. “Dhib muxuu ku qabaa in la baaro baabuur dhibaato wada ama qof saaran oo dhibaato wada, oo dadka laga qabto?”

Hadallada Wasiir Fiqi ayaa imanaya xilli dowladda Soomaaliya ay sheegtay inay doonayso inay sii xoojiso horumarka amni ee Muqdisho, iyadoo dhinaca kale sii wadda hawlgallada milateri ee ka dhanka ah argagaxisada Al shabaab.

Munaasabadda waxaa ka qayb-galay Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, Wasiirka Amniga Gudaha Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Sarreeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, Agaasimaha Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Mahad Maxamed Salaad, Taliyaha Booliska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi, Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), wasiir-ku-xigeenno, xoghayeyaal joogto, iyo saraakiil sarsare oo ka tirsan ciidamada qalabka sida.

 

XIGASHO:TRT SOMALI
Raadi Warar Kale
Wasiiru-dawlaha Gaashaandhigga oo Hindise-sharciyeedka Difaaca Qaranka Hor-geeyay Baarlamaanka
Soomaaliya oo Jabuuti Kaga Qaybgalaysa Shirweynaha Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee IGAD
Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya
Wasiirka Amniga oo ka Qaybgalay Madasha Caalamiga ah ee Iskaashiga Amniga Dadweynaha ee Shiinaha
Wasiirka Amniga Gudaha oo Booqday Safaaradda Soomaaliya ee Beijing
Al-Burhan iyo Afwerki oo ka wada hadlay xoojinta xiriirka Suudaan iyo Ereteriya
Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya oo xafiiskiisa ku qaabilay safiirrada Jabuuti iyo Yemen
Nabad-ilaaliyeyaal Itoobiyaan ah oo ka tirsan Qaramada Midoobay oo lagu dilay Koonfurta Suudaan
Doorashada Saambiya: Madaxweyne Hichilema oo ku wajahan muddo-xileedkiisa labaad
Cutubyo cusub oo ka tirsan ciidanka Haramcad oo tababar loogu soo xiray xerada TURKSOM
Soomaaliya: Kumannaan askari oo tababar ciidan loogu soo xiray dugsiga Xananbuure, Galguduud
Guddoomiyaha cusub ee Golaha Shacabka oo maanta si rasmi ah xilka ula wareegay
Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed oo Muqdisho kula kulmay Safiirka Turkiga ee Soomaaliya
NISA oo sheegtay in toddobo xubnood oo Al-Shabaab ah lagu dilay Shabeellaha Hoose
Ilhaan Cumar oo aqlabiyad weyn ku guulaysatay doorashadii is-reebreebka Xisbiga Dimuqraadiga
Soomaaliya: Guddiga Doorashooyinka oo la kulmay wakiillada Beesha Caalamka
Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) oo loo doortay Guddoomiyaha Golaha Shacabka
Golaha Shacabka Soomaaliya oo maanta dooranaya Guddoomiye cusub
Muqdisho-Islamabad: Wasiir Fiqi oo wada-hadallo xasaasi ah la yeeshay Taliyaha Milatariga Pakistan
Baarlamaanka Yugaandha oo meelmariyay qorshe ciidamo loogu dirayo marinka Qaza