| Somali
CAALAMKA
1 daqiiqo akhris
Soomaaliya iyo Liibiya oo Ka Wada Hadlay Xoojinta Iskaashiga Dhaqaalaha iyo Maaliyadda
Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa magaalada Tripoli kula kulmay Wasiirka Maaliyadda Liibiya, Rashid Abu Qaffah, iyagoo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga dhaqaalaha iyo maaliyadda.
Soomaaliya iyo Liibiya oo Ka Wada Hadlay Xoojinta Iskaashiga Dhaqaalaha iyo Maaliyadda
Soomaaliya iyo Liibiya oo Ka Wada Hadlay Xoojinta Iskaashiga Dhaqaalaha iyo Maaliyadda / SONNA

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa magaalada Tripoli kulan kula yeeshay Wasiirka Maaliyadda ee dalka Liibiya, Rashid Abu Qaffah, iyagoo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga dhinacyada dhaqaalaha iyo maaliyadda ee labada dal.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray ballaarinta xiriirka dhaqaale ee labada dal, xoojinta iskaashiga maaliyadeed iyo taageeridda horumarinta hay’adaha maaliyadeed ee Soomaaliya.

Labada wasiir ayaa sidoo kale ka wada hadlay kordhinta dhoofinta xoolaha nool ee Soomaaliya oo loo iibgeeyo dalka Liibiya iyo ballaarinta fursadaha suuq-geynta xoolaha Soomaaliyeed ee suuqyada Liibiya.


XIGASHO:SONNA