| Somali
CAALAMKA
2 daqiiqo akhris
Liibaan Axmed Xasan oo la wareegay xilka hoggaamiyaha Galmudug
Hoggaamiyaha cusub ayaa sheegay in maamulkiisu ku shaqeyn doono wada-tashi, caddaalad, hufnaan iyo isla-xisaabtan, isagoo mudnaanta siinaya baahiyaha bulshada iyo tayeynta adeegyada aasaasiga ah.
Liibaan Axmed Xasan oo la wareegay xilka hoggaamiyaha Galmudug
Liibaan Axmed Xasan oo la wareegay xilka hoggaamiyaha Galmudug

Liibaan Axmed Xasan ayaa si rasmi ah ula wareegay xilka hoggaamiyaha Dowlad-goboleedka Galmudug, kadib munaasabad xil-wareejin ah oo ka dhacday xarunta Madaxtooyada Galmudug, halkaas oo uu xilka ugala wareegay hoggaamiyihii hore, Axmed Cabdi Kaariye.

Liibaan ayaa 22-kii Oktoobar 2026 loo doortay hoggaamiyaha Galmudug, iyadoo sidoo kale Cabdiwali Ibraahim Aadan loo doortay hoggaamiye ku-xigeenka maamulka.

Hoggaamiyaha cusub ayaa sheegay inuu mudnaanta siin doono sugidda amniga, dardargelinta dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, dib-u-heshiisiinta bulshada iyo xoojinta hay’adaha dowladda.

Liibaan ayaa xil-wareejinta ku tilmaamay tallaabo muujinaysa horumarka dowladnimada Galmudug iyo sii socoshada shaqada hay’adaha maamulka.

Wuxuu sidoo kale sheegay in markii ugu horreysay shacabka Galmudug ay hoggaankooda ku doorteen codkooda, isagoo ballanqaaday inuu ka shaqeyn doono sidii loo xaqiijin lahaa kalsoonida ay siiyeen.

Amniga iyo dib-u-heshiisiinta oo mudnaanta la siinayo

Liibaan Axmed Xasan ayaa sheegay in waxyaabaha ugu horreeya ee uu xoogga saari doono ay ka mid yihiin xoojinta amniga iyo sii wadidda dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, gaar ahaan sidii kooxda looga saari lahaa deegaannada ay weli ku sugan tahay.

Wuxuu sidoo kale ballanqaaday inuu ka shaqeyn doono dib-u-heshiisiinta bulshada, xallinta khilaafaadka iyo dhismaha hay’ado dowladeed oo awood u leh inay si wanaagsan ugu adeegaan shacabka.

Hoggaamiyaha cusub ayaa sheegay in maamulkiisu ku shaqeyn doono wada-tashi, caddaalad, hufnaan iyo isla-xisaabtan, isagoo mudnaanta siinaya baahiyaha bulshada iyo tayeynta adeegyada aasaasiga ah.

Wuxuu intaas ku daray inuu doonayo in Galmudug ay yeelato hay’ado dowladeed oo xooggan, amni waara iyo qorshayaal horumarineed oo wax ka qabta baahiyaha dadka deegaanka.

Liibaan oo bogaadiyay hoggaamiyihii hore

Liibaan ayaa uga mahadceliyay hoggaamiyihii hore ee Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye, sida uu xilka ugu wareejiyay, isagoo bogaadiyay shaqadii uu qabtay muddadii uu maamulka hoggaaminayay.

Wuxuu si gaar ah u xusay dadaalladii Axmed Cabdi Kaariye ee dhismaha hay’adaha maamulka, xoojinta xasilloonida siyaasadeed iyo horumarinta dowladnimada Galmudug.

Liibaan ayaa sidoo kale sheegay inuu rajeynayo in hoggaamiyihii hore uu sii wadi doono kaalintiisa ku aaddan taageerada dowladnimada iyo horumarka Galmudug.

Hoggaamiyaha cusub ayaa ugu baaqay shacabka Galmudug inay xoojiyaan midnimadooda, kana wada shaqeeyaan amniga, dib-u-heshiisiinta iyo horumarinta deegaannadooda.

Wuxuu sheegay in qorshayaasha maamulkiisu doonayo inuu hirgeliyo ay u baahan yihiin wada-shaqeyn dhex marta dowladda iyo bulshada.

Liibaan ayaa sidoo kale ku baaqay in shacabka Galmudug ay garab istaagaan hay’adaha maamulka, isagoo sheegay in wadajir iyo iskaashi lagu gaari karo amni, midnimo iyo horumar waara.