| Somali
CAALAMKA
1 daqiiqo akhris
Wasaaradaha Arrimaha Dibadda iyo Arrimaha Gudaha oo ku dhaqaaqay xoojinta diiwaangelinta Qurbajoogta
Labada wasaaradood ayaa isku raacay in la dedejiyo horumarinta nidaam adeeg oo muwaadiniinta ku saleysan, si loo fududeeyo diiwaangelinta Soomaalida ku nool dalalka dibadda, loona xaqiijiyo helitaanka adeegyo hufan oo la isku halleyn karo.
Wasaaradaha Arrimaha Dibadda iyo Arrimaha Gudaha oo ku dhaqaaqay xoojinta diiwaangelinta Qurbajoogta
Wasaaradaha Arrimaha Dibadda iyo Arrimaha Gudaha oo ku dhaqaaqay xoojinta diiwaangelinta madaniga ah ee Soomaalida ku nool dibadda

Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Xamza Aadan Xadow, ayaa Isniintii guddoomiyay kulan wadajir ah oo dhexmaray Wasaaradaha Arrimaha Dibadda iyo Arrimaha Gudaha, kaas oo looga hadlay xoojinta diiwaangelinta muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku nool dibadda.

Kulanka waxaa ka qeybgalay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Agaasimaha Guud ee Waaxda Bulshada Bariga Afrika.

Wadahadallada ayaa diiradda lagu saaray xoojinta hirgelinta Sharciga Diiwaangelinta Madaniga ah ee Soomaaliya iyo horumarinta nidaamka diiwaangelinta muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku nool dibadda, iyadoo adeegyada laga bixinayo safaaradaha iyo xafiisyada diblomaasiyadeed ee dalka.

Xoghayaha Joogtada ah iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa isku raacay in la dedejiyo horumarinta nidaam adeeg oo ku saleysan baahiyaha muwaadiniinta, la xoojiyo iskaashiga hay’adaha dowladda, isla markaana la xaqiijiyo in adeegyada diiwaangelinta madaniga ahi noqdaan kuwo hufan, si fudud loo heli karo, laguna kalsoonaan karo, si loogu adeego Soomaalida ku nool dalalka dibadda.

XIGASHO:SONNA