Wasiirka Batroolka iyo Kheyraadka Macdanta Soomaaliya, Daahir Shire Maxamed, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Turkiga ee Soomaaliya, Ferhat Alkan, iyagoo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dal ee dhinacyada shidaalka, tamarta iyo horumarinta kheyraadka dabiiciga ah.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray halka uu marayo iskaashiga tamarta ee Soomaaliya iyo Turkiga, qorshayaasha mustaqbalka iyo sidii kheyraadka dabiiciga ah ee Soomaaliya looga faa’iideyn lahaa dhaqaalaha dalka iyo nolosha shacabka Soomaaliyeed.
Sida ay sheegtay Safaaradda Turkiga ee Muqdisho, labada dhinac ayaa ka wada hadlay mashaariic wadajir ah oo lagu horumarinayo kheyraadka tamarta Soomaaliya, laguna xoojinayo aqoonta iyo awoodda farsamo ee hay’adaha dalka ee qaabilsan arrimahaas.
Wasaaradda Batroolka iyo Kheyraadka Macdanta Soomaaliya ayaa dhankeeda sheegtay in kulanka lagu soo qaaday fursadaha iskaashi ee dhinacyada batroolka iyo macdanta, iyo sidii labada dal u dardargelin lahaayeen mashaariicda ka qayb qaadan kara kobaca dhaqaalaha Soomaaliya.
Sahaminta shidaalka xeebaha Soomaaliya
Wadahadallada ayaa sidoo kale lagu soo qaaday hawlaha sahaminta shidaalka iyo gaaska ee Turkigu ka wado xeebaha Soomaaliya, gaar ahaan shaqada markabka Çağrı Bey, oo loogu talagalay qodista shidaalka badda aadka u qoto dheer.
Safaaradda Turkiga ayaa sheegtay in labada dhinac ay isdhaafsadeen aragtiyo ku saabsan hawlaha markabka iyo dadaallada lagu horumarinayo iskaashiga tamarta ee Soomaaliya iyo Turkiga.
Ankara ayaa sheegtay inay sii wadi doonto taageerada ay Soomaaliya ka siiso sidii looga faa’iidaysan lahaa kheyraadkeeda dabiiciga ah, loo tayeyn lahaa hay’adaha ka shaqeeya tamarta, loona horumarin lahaa aqoonta iyo xirfadaha farsamo ee dalka.
Turkiga ayaa sidoo kale sheegay inuu Soomaaliya kala shaqeyn doono mashaariic lagu taageerayo horumar dhaqaale oo waara.
Xoojinta iskaashiga labada dal
Wasiirka Batroolka iyo Kheyraadka Macdanta Soomaaliya, Daahir Shire Maxamed, ayaa Safiirka Turkiga uga mahadceliyay booqashada uu ku yimid wasaaradda iyo wadahadalladii ay yeesheen.
Wasiirka ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la sii xoojiyo xiriirka Soomaaliya iyo Turkiga, gaar ahaan iskaashiga ku saabsan horumarinta iyo ka faa’iidaysiga kheyraadka dabiiciga ah ee dalka.
Wasaaradda Batroolka iyo Kheyraadka Macdanta ayaa sheegtay inay ka go’an tahay horumarinta kheyraadka dabiiciga ah ee Soomaaliya iyo ballaarinta iskaashiga caalamiga ah, si kheyraadka dalka looga faa’iideeyo horumar dhaqaale oo waara.
Dhankiisa, Safiirka Turkiga Ferhat Alkan ayaa Wasiir Daahir Shire uga mahadceliyay taageerada uu siiyo iskaashiga tamarta ee labada dal.
Kulanka ayaa qayb ka ah wadahadallada Soomaaliya iyo Turkiga ee lagu xoojinayo iskaashiga shidaalka, macdanta iyo tamarta, iyadoo labada dhinac ay doonayaan inay horumariyaan mashaariicda wadajirka ah iyo awoodda Soomaaliya ee ka faa’iidaysiga kheyraadkeeda dabiiciga ah.




























