Agaasimaha Guud ee Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed (SCAA), Axmed Macallin Xasan, ayaa shirka siddeedaad ee Agaasimayaasha Guud ee Duulista Rayidka Bariga Dhexe (DGCA-MID/8), oo ka dhacay magaalada Doha, ku soo bandhigay horumarka Soomaaliya ka sameysay duulista rayidka iyo muhiimadda istaraatiijiyadeed ee hawada dalka.
Agaasimaha Guud ayaa sheegay in hawada Soomaaliya ay door sii kordhaya ka qaadanayso isku xirka duulimaadyada rayidka ee gobolka iyo kuwa caalamiga ah, gaar ahaan xilli xaaladaha amni ee gobolka ay saameyn ku yeesheen hawlaha duulimaadyada.
Wuxuu tilmaamay in casriyeynta nidaamyada duulista Soomaaliya, hirgelinta tiknoolajiyado horumarsan iyo tayeynta shaqaalaha xirfadda leh ay yihiin arrimo muhiim ah oo xoojinaya waaxda duulista dalka iyo muhiimadda hawadiisa.
“Maanta waxaan gaarnay heer ay dunidu nagu tiirsan tahay,” ayuu yiri Agaasimaha Guud.
Wuxuu intaas ku daray in ka qaybgalka Soomaaliya ee shirkan uu xoojinayo iskaashiga gobolka ee dhinaca duulista, isagoo xusay halka istaraatiijiga ah ee Soomaaliya kaga taallo marinnada muhiimka ah ee duulimaadyada gobolka iyo kuwa caalamiga ah.
Shirkan oo ay martigelisay Hay’adda Duulista Rayidka Qatar (QCAA), iyadoo la kaashanaysa Xafiiska Gobolka Bariga Dhexe ee Hay’adda Duulista Rayidka Caalamiga ah (ICAO MID), ayaa isu keenay hay’adaha duulista rayidka iyo ururrada heer gobol iyo heer caalami.
Doodaha shirka ayaa diiradda lagu saaray badqabka duulista iyo hagidda diyaaradaha, amniga internetka, ilaalinta deegaanka, fududeynta gaadiidka cirka, iskaashiga gobolka, amniga duulista iyo caqabadaha la xiriira nidaamyada diyaaradaha aan duuliyaha lahayn.




























