Xildhibaannada labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa Isniintii xarunta Golaha Shacabka ku yeeshay kulankii ugu horreeyay ee wadajirka ahaa ee kalfadhiga siddeedaad, kaas oo uu furay Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Cabdulqaadir Maxamed Nuur.
Kulanka wadajirka ah waxaa soo xiray Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Golaha Shacabka, Cabdullaahi Cumar Abshirow, iyo Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Aqalka Sare, Cabdullaahi Cali Xirsi Timacadde.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray akhrinta koowaad ee warbixinta xisaab-xirka miisaaniyadda sannadlaha ah ee 2025, oo ay soo diyaarisay Wasaaradda Maaliyadda.
Wasiirka Maaliyadda, Biixi Iimaan Cige, ayaa soo bandhigay warbixinta, isagoo faahfaahiyay hirgelinta miisaaniyadda dowladda ee sannadka 2025, kharashaadka, deeqaha la helay, guulaha la gaaray iyo habraacyada la xiriira hanti-dhowrka maaliyadeed.
Xildhibaannada labada Aqal ayaa Wasiirka su’aalo ka weydiiyay maamulka dakhliga iyo kharashaadka, hufnaanta maaliyadeed iyo hababka isla-xisaabtanka. Wasiirka ayaa ka jawaabay su’aalaha, isagoo faahfaahin ka bixiyay maamulka iyo hirgelinta miisaaniyadda dowladda.
Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Golaha Shacabka, Cabdullaahi Cumar Abshirow, oo soo xiray kulanka wadajirka ah, ayaa sheegay in warbixinta xisaab-xirka miisaaniyadda sannadka 2025 ay ka gudubtay akhrinta koowaad. Wuxuu faray xoghayeyaasha labada Aqal inay warbixinta u gudbiyaan guddiyada miisaaniyadda ee Baarlamaanka, si ay u soo eegaan uguna diyaariyaan akhrinta labaad.























