Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Cali Xaaji Aadan, ayaa furay Shirka Isku-duwidda iyo Dib-u-eegista Wadajirka ah ee Sannadlaha ah ee Waaxda Caafimaadka Soomaaliya (JAR), si loo qiimeeyo horumarka la gaaray, loona xoojiyo adeegyada daryeelka caafimaadka ee dalka oo dhan.
Shirkan ayaa isu keenay mas’uuliyiinta caafimaadka ee heer federaal iyo heer dowlad-goboleed, agaasimayaasha isbitaallada iyo bah-wadaagta caalamiga ah, si dib loogu eego mashaariicda socda, wax looga qabto caqabadaha jira, loona horumariyo Qorshaha Caafimaadka Qaranka.
Ka qaybgalayaasha ayaa sidoo kale ka wada hadli doona siyaabaha loo hagaajin karo isku-duwidda, loona ballaarin karo helitaanka adeegyo caafimaad oo tayo leh, isla markaana si caddaalad ah loo wada heli karo guud ahaan dalka.
Dr. Cali ayaa carrabka ku adkeeyay muhiimadda iskaashiga u dhexeeya Dowladda Federaalka, dowlad-goboleedyada xubnaha ka ah federaalka iyo bah-wadaagta horumarinta, si loo xoojiyo nidaamka caafimaadka Soomaaliya, loona xaqiijiyo bixinta adeegyo caafimaad oo wax-ku-ool ah.


























