Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre, ayaa Khamiistii dhagax-dhigay xarun cusub oo Sayniska iyo Tiknoolojiyadda ah oo ay hirgelinayso Jaamacadda SIMAD, taas oo loogu talagalay horumarinta tacliinta sare, cilmi-baarista iyo kobcinta xirfadaha ardayda Soomaaliyeed.
Ra’iisul Wasaaraha oo ka hadlay munaasabad lagu qabtay goobta laga dhisayo xarunta ayaa sheegay in jaamacadaha iyo hay’adaha waxbarashadu ay door muhiim ah ka qaataan isbeddelka iyo horumarka bulshada, isagoo tilmaamay in aqoontu ay saldhig u tahay dhismaha mustaqbalka dalka.
Waxa uu carrabka ku adkeeyay baahida loo qabo xarumo waxbarasho oo casri ah, kuwaas oo ardayda siinaya aqoon iyo xirfado la jaanqaadaya baahiyaha bulshada, isla markaana gacan ka geysanaya kobcinta dhaqaalaha iyo wax-soo-saarka dalka.
Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre ayaa bogaadiyay dadaallada Jaamacadda SIMAD ee ballaarinta fursadaha waxbarashada, isagoo xusay in Qorshaha Isbeddelka Qaranku mudnaan siinayo xarumo waxbarasho oo tayo leh. Waxa uu intaas ku daray in xarunta cusub ay fursad muhiim ah u noqon doonto dhallinyarada danaynaysa sayniska, tiknoolojiyadda iyo hal-abuurka, kuna dhiirrigeliyay jaamacadda inay aqoonta ku xiriiriso baahiyaha bulshada iyo suuqa shaqada.
Mashruucan oo ay iska kaashanayaan Jaamacadda SIMAD iyo hay’adda Direct Aid ayaa loo dhisayaa hab casri ah, waxaana uu qayb ka yahay dadaallada lagu horumarinayo kaabeyaasha tacliinta sare iyo abuurista deegaan ku habboon barashada sayniska, tiknoolojiyadda iyo cilmi-baarista.
Dhanka kale, Ra’iisul Wasaare Xamza ayaa ammaanay dadaallada hay’adaha amniga iyo shacabka caasimadda ee lagu sugayo amniga Muqdisho, isagoo sheegay in nabadda iyo xasilloonidu ay muhiim u yihiin horumarka waxbarashada, maalgashiga iyo kobaca dhaqaalaha dalka.























