Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Maxamuud Cabdiraxmaan Sheekh Faarax (Beenebeene), ayaa soo bandhigay mudnaanta maalgashi ee Soomaaliya iyo fursadaha ka dhashay xubinnimada dalka ee Bulshada Bariga Afrika (EAC).
Wasiirka oo ka hadlayay Shirweynaha Saddexaad ee Bulshada Bariga Afrika (EACON 2026), oo maalintii labaad ka socda magaalada Muqdisho, ayaa sheegay in ujeeddada Soomaaliya ay ugu biirtay EAC ay tahay ballaarinta fursadaha ganacsatada Soomaaliyeed ee ka hawlgala suuqyada Afrika.
“Dowladda Soomaaliya waxay fursado u abuurtay Soomaalida ganacsiyada ku leh dalalka Afrika, waana sababta aan ugu biirnay Bulshada Bariga Afrika,” ayuu yiri Wasiir Beenebeene.
Wasiirka ayaa sidoo kale faahfaahiyay ajandaha qaran ee maalgashiga Soomaaliya iyo habka uu dalku u wajahayo maalgashiga gudaha EAC, isagoo diiradda saaray isku xirka mudnaanta maalgashi ee dalka iyo fursadaha dhaqaale ee ballaaran ee ka jira Bariga Afrika.
Wuxuu carrabka ku adkeeyay muhiimadda iskaashiga gobolka, dhiirrigelinta maalgashiga iyo waafajinta qorshayaasha horumarinta qaranka Soomaaliya iyo qaab-dhismeedyada gobolka, si loo taageero kobac dhaqaale oo waara.
Shirweynaha EACON 2026 ayaa sidoo kale diiradda lagu saarayaa waafajinta shuruucda qaranka Soomaaliya iyo Heshiiska Bulshada Bariga Afrika, kor u qaadista awoodda tartan ee ganacsiyada, iyo horumarinta aqoonta iyo xirfadaha.
Dadaalladan ayaa la filayaa inay xoojiyaan ka-qaybgalka Soomaaliya ee suuqa gobolka, soo jiitaan maalgashi, ballaariyaan fursadaha shaqo, isla markaana taageeraan kobaca dhaqaalaha dalka.























