| Somali
CAALAMKA
3 daqiiqo akhris
Madaxda Afrika oo Abiy Ahmed ugu hambalyeeyay dib-u-doorashadiisa Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya
Mas'uuliyiinta Geeska Afrika iyo ururrada gobolka ayaa u rajeeyay Ra'iisul Wasaaraha guul iyo horumar, iyagoo xaqiijiyay inay ka go'an tahay xoojinta iskaashiga xilligan uu bilaabayo muddo-xileedkiisa labaad
Madaxda Afrika oo Abiy Ahmed ugu hambalyeeyay dib-u-doorashadiisa Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya
Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Ahmed / Others

Madaxda dalalka Afrika iyo mas'uuliyiinta hay’adaha gobolka ayaa Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Ahmed, ugu hambalyeeyay dib-u-doorashadiisa muddo-xileed labaad oo shan sano ah.

Madaxdan ayaa muujiyay sida ay uga go’an tahay sii xoojinta xiriirka waddamada iyo iskaashiga gobolka.

Golaha Shacabka Itoobiya ayaa markale Abiy u doortay Ra’iisul Wasaare, kaddibna wuxuu Baarlamaanka hortiisa ku maray dhaarta dastuuriga ah, isagoo sidaas ku billaabay muddo-xileedkiisa labaad.

Doorashadiisa ayaa ku soo beegantay bilowga muddo-xileedka toddobaad ee Baarlamaanka Itoobiya iyo dhismaha xukuumadda cusub ee salka ku haysa fikirka 'Medemer'.

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ka mid ahaa hoggaamiyeyaasha Geeska Afrika ee Abiy u diray hambalyada.

Waxa uu sheegay inuu rajeynayo in labada dowladood ay si dhow uga wada-shaqeeyaan xiriirka laba-geesoodka ah iyo nabadda Geeska Afrika.

“Waxaan hambalyo diirran u dirayaa Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed Ali dib-u-doorashadiisa. Waxaan u rajeynayaa guul muddada cusub ee xilkiisa.

Waxaan rajeynayaa inaan si dhow uga wada-shaqeyno xoojinta xiriirka Soomaaliya iyo Itoobiya iyo horumarinta nabadda, xasilloonida iyo barwaaqada ay wadaagaan shucuubteenna iyo Geeska Afrika,” ayuu Madaxweyne Xasan Sheekh ku soo qoray bartiisa baraha bulshada ee (X).

Jabuuti oo adkeysay xiriirka labada dal

Madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa isna hambalyo u diray Abiy, isagoo sheegay in kalsoonida markale la siiyay ay dardar cusub gelin doonto dadaallada horumarineed ee dalka Itoobiya.

“Kalsoonida dib laguu siiyay waxay shaki la’aan dardar dheeraad ah siin doontaa dadaalladaada joogtada ah ee aad ku doonayso inaad dalkaaga iyo shacabkaaga u horseeddo horumar dhinac kasta ah,” ayuu Geelle yiri.

Madaxweynaha Jabuuti ayaa xusay in Itoobiya ay horumar dhaqaale samaysay intii uu Abiy hoggaaminayay, wuxuuna xaqiijiyay doonitaanka xukuumaddiisa ee ku aaddan xoojinta cilaaqaadka.

“Waxaan kuu xaqiijinayaa, Mudane Ra’iisul Wasaare, inaan sii wadi doonno dadaallada aan ku adkeynayno xiriirka saaxiibtinimo, iskaashi iyo walaaltinimo ee ka dhexeeya labadeenna dal... kuwaas oo xiriirkooda gaarka ah ay dhiseen taariikhda iyo isku-dhowaanshaha dhaqan iyo deegaan,” ayuu sii raaciyay.

Kenya iyo Tansaaniya

Madaxweynaha Kenya, William Ruto, ayaa dhankiisa u hambalyeeyay Ra'iisul Wasaaraha.

“Hambalyo walaalkey, Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed, dib-u-doorashadaada inaad Itoobiya hoggaamiso muddo-xileed labaad,” ayuu yiri Ruto, isagoo raaciyay in Nairobi ay rajeyneyso sii-wadidda iskaashiga arrimaha gobolka.

Sidoo kale, Madaxweynaha Tansaaniya, Samia Suluhu Hassan, ayaa tiri: “Anigoo ku hadlaya magaca dowladda iyo shacabka Jamhuuriyadda Midowday ee Tansaaniya, waxaan hambalyo kal iyo laab ah u dirayaa Mudane Abiy Ahmed Ali... waxaan rajeyneynaa inaan sii qoto-dheereyno xiriirka walaaltinimo ee soo jireenka ah ee inala dhexeeya Itoobiya.”

IGAD iyo Midowga Afrika

Xoghayaha Fulinta ee Urur-goboleedka IGAD, Workneh Gebeyehu, ayaa Abiy u rajeeyay inuu ku guuleysto muddada cusub ee xilkiisa, isagoo shacabka Itoobiyana u rajeeyay barwaaqo.

Wuxuu caddeeyay in IGAD ay sii wadi doonto wada-shaqeynta dhinacyada nabadda iyo iskaashiga gobolka ee kala dhexeysa Addis Ababa.

Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika, Maxamuud Cali Yuusuf, ayaa xusay in Itoobiya ay meel gaar ah kaga jirto Midowga Afrika, maadaama ay martigeliso xarunta dhexe ee ururka, wuxuuna rajo ka muujiyay in wada-shaqeynta xukuumadda Abiy ee arrimaha nabadda, amniga iyo is-dhexgalka Afrika ay sii socoto.

Madaxweynaha Burundi, Evariste Ndayishimiye, oo haatan haya xilka Guddoomiyaha Meertada ah ee Midowga Afrika, ayaa asna bogaadiyay dib-u-doorashada Abiy, isagoo xaqiijiyay in Midowga Afrika uu garab taagan yahay Itoobiya arrimaha xasilinta iyo horumarka qaaradda.

Farriimahan hambalyada ah ayaa imanaya iyadoo Itoobiya ay gashay muddo-xileed cusub oo Baarlamaan, kaddib doorashadii guud ee 1-dii Juun 2026.

Muddo-xileedka labaad ee Abiy ayaa soo beegmaya xilli isha lagu hayo arrimaha gudaha Itoobiya iyo doorka muhiimka ah ee uu dalku ku leeyahay guud ahaan siyaasadda Geeska Afrika iyo tan qaaradda.

 

XIGASHO:TRT SOMALI
Raadi Warar Kale
Soomaaliya iyo Hindiya oo ka Wada Hadlay Iskaashiga Warfaafinta iyo Dhaqanka
Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo Hay’adaha Amniga u Qabatay Tababar ku Saabsan Xasaanadda Diblomaasiga
Soomaaliya iyo Algeria oo ka Wada Hadlay Xoojinta Iskaashiga Baarlamaannada
Soomaaliya oo u Diyaar-garoobaysa Kalfadhiga 2-aad ee Guddiga Joogtada ah ee Wadajirka ah ee Uganda
Madaxweyne Xasan Sheekh oo El-Alamein Kula Kulmay Wafdi Ganacsato Soomaaliyeed ah
Ra’iisul Wasaare Xamza oo Balanballe Kaga Qeyg-galay Munaasabadda Dib-u-heshiisiinta
Guddiga Xuquuqda Aadanaha, UNDP iyo ANNHRI oo Furay Tababar Lagu Kobcinayo Awoodda Hay’adaha
Midowga Afrika oo Beeniyay inuu Masar ku Eedeeyay Xiisadda Itoobiya Kaddib Diidmada Qaahira
Agaasimaha NIRA oo Booqday Xarunta Mideysan ee Bixinta Adeegyada Dadweynaha Qaranka
Wasiirka Beeraha oo Qaabilay Safiirka Algeria, Kana Wada Hadlay Xoojinta Xiriirka Labada Dal
Shide: Siyaasigii Soomaaliyeed ee ugu horreeyay ee loo doorto Guddoomiyaha Golaha Shacabka Itoobiya
Soomaaliya iyo Talyaaniga oo Xoojinaya Iskaashiga Saadka Dekedaha iyo Xirfadaha Dhallinyarada
MW Xasan Sheekh oo Madasha Ganacsiga Afrika ku Soo Bandhigay Fursadaha Maalgashi ee Soomaaliya
Siddeed badmaax oo Masaari ah oo laga soo badbaadiyay burcad-badeed oo dib ugu laabanaya dalkooda
Masar, Soomaaliya, Suudaan iyo Eritrea oo heshiis ka gaaray dhowrista amniga gobolka
Soomaaliya oo martigelin doonta Shirka Guddoomiyeyaasha Baarlamaannada Bariga Afrika ee 2027
Ra’iisul Wasaare Xamza oo Muqdisho ka Furay Bandhigga Ganacsiga Banaadir
Ciidamada dowladda Itoobiya oo dib ula wareegay garoonka diyaaradaha ee caasimadda Tigray
Xasan Sheekh: Soomaaliya kama soo horjeeddo in Itoobiya ay dekedaheeda u isticmaasho ganacsiga
Madaxweyne Xasan Sheekh: Marnaba ma aqbali doonno in Israa'iil ay saldhig ka sameysato Berbera