| Somali
CAALAMKA
1 daqiiqo akhris
Ra’iisul Wasaare Xamza oo Muqdisho ka Furay Bandhigga Ganacsiga Banaadir
Ra’iisul Wasaaraha XFS, Xamza Cabdi Barre, ayaa Axaddii degmada Hodan ee gobolka Banaadir ka furay Bandhigga Ganacsiga Banaadir, isagoo bogaadiyay doorka haweenka iyo dhallinyarada Soomaaliyeed ee horumarinta ganacsiga iyo hal-abuurka.
Ra’iisul Wasaare Xamza oo Muqdisho ka Furay Bandhigga Ganacsiga Banaadir
Ra’iisul Wasaare Xamza oo Muqdisho ka Furay Bandhigga Ganacsiga Banaadir

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre, ayaa Axaddii si rasmi ah u furay Bandhigga Ganacsiga Banaadir oo lagu qabtay degmada Hodan ee gobolka Banaadir.

Ra’iisul Wasaaraha oo kormeeray qaybaha kala duwan ee bandhigga ayaa haweenka Soomaaliyeed ku ammaanay doorka muuqda ee ay ka qaataan horumarinta ganacsiga, ka shaqeynta arrimaha bulshada iyo hal-abuurka muuqda ee ay dalka ka sameynayaan.

“Waxaan idinku hambalyeynayaa dadaalka haweenka Soomaaliyeed, hal-abuurkooda iyo sida geesinimada leh ee ay ugu dhiirradeen inay soo qabanqaabiyaan Bandhigga Ganacsiga Banaadir. Waxaan ballanqaadayaa in dawladda Soomaaliya ay garab istaagi doonto haweenka ka dambeeya hal-abuurkan,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamza.

Ra’iisul Wasaare Xamza ayaa mid mid u booqday qaybaha bandhigga, wuxuuna dhiirrigeliyay dhallinyarada doorka weyn ka qaadatay hirgelinta bandhigga, isagoo xusay in Dowladda DanQaran ay mudnaan gaar ah siiso taageeridda ganacsiyada yaryar ee kobcaya.

XIGASHO:SONNA
Raadi Warar Kale
Soomaaliya iyo Uganda oo kala saxiixday heshiis lagu xoojinayo iskaashiga shaqada iyo shaqaalaha
RW Xamza oo ka qeyb galay munaasabadda xiritaanka Shirweynaha Culimada Haweenka Soomaaliyeed
Madaxda Qaranka oo Liibaan Axmed Xasan ugu Hambalyeeyay Doorashadiisa Madaxweynaha Galmudug
Dowlado iyo hay’ado caalami ah oo Geneva ku yeeshay kulan lagu xoojinayo dadaallada nabadda Suudaan
Soomaaliya oo Cambaaraysay Khariidad uu Soo Bandhigay Netanyahu, kuna Tilmaantay Xadgudub
Baarlamaanka Galmudug oo Dhageystay Barnaamijyada Siyaasadeed ee Musharraxiinta Madaxweynaha
Soomaaliya iyo Morocco oo ku Heshiiyay Xoojinta Iskaashiga Tamarta, Macdanta, Beeraha iyo Dalxiiska
Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo Muqdisho Kula Kulmay Sii-hayaha Safaaradda Mareykanka
Soomaaliya oo Daahfurtay Shirka Dib-u-eegista Sannadlaha ah ee Waaxda Caafimaadka: Muqdisho
Safiirka Soomaaliya oo Warqadihiisa Aqoonsiga u Gudbiyay Madaxweynaha Dalka Chad
Wasiirka Gaashaandhigga oo Ku Baaqay Dib-u-habeyn Lagu Xoojinayo Amniga Qaranka iyo Isla-xisaabtanka
Madasha Ganacsiga Soomaaliya iyo Uganda oo Xoojinaysa Xiriirka Ganacsi ee Labada Dal: Muqdisho
Soomaaliya iyo Spain oo Ka Wada Hadlay Xoojinta Iskaashiga Labada Dal ee Dhinaca Kalluumeysiga
Golaha Shacabka oo Ka Dooday Heshiiska QM ee La-dagaallanka Maandooriyaha iyo Sharciga Bangiga Dhexe
SoDMA, FAO iyo Norway oo Ka Wada Hadlay U Diyaargarowga El Niño iyo Digniinta Hore ee Musiibooyinka
Soomaaliya oo Warbaahinta uga Digtay Faafinta Borobagaandada Argagixisada
Soomaaliya iyo Ciraaq oo Ka Wada Hadlay Xoojinta Iskaashiga Labada Dal
Sagal Cabdi-Wali: Gabar Soomaaliyeed oo Qaxooti Aheyd oo xildhibaan ka noqotay Baarlamaanka Britain
Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo Shaaciyay Jadwalka Doorashada Hoggaanka Maamulka Hirshabeelle
Wasaaradaha Arrimaha Gudaha iyo Deegaanka ee XFS oo Yeeshay Kulan Lagu Xoojinayo Wada Shaqeynta