Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre, ayaa Axaddii si rasmi ah u furay Bandhigga Ganacsiga Banaadir oo lagu qabtay degmada Hodan ee gobolka Banaadir.
Ra’iisul Wasaaraha oo kormeeray qaybaha kala duwan ee bandhigga ayaa haweenka Soomaaliyeed ku ammaanay doorka muuqda ee ay ka qaataan horumarinta ganacsiga, ka shaqeynta arrimaha bulshada iyo hal-abuurka muuqda ee ay dalka ka sameynayaan.
“Waxaan idinku hambalyeynayaa dadaalka haweenka Soomaaliyeed, hal-abuurkooda iyo sida geesinimada leh ee ay ugu dhiirradeen inay soo qabanqaabiyaan Bandhigga Ganacsiga Banaadir. Waxaan ballanqaadayaa in dawladda Soomaaliya ay garab istaagi doonto haweenka ka dambeeya hal-abuurkan,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamza.
Ra’iisul Wasaare Xamza ayaa mid mid u booqday qaybaha bandhigga, wuxuuna dhiirrigeliyay dhallinyarada doorka weyn ka qaadatay hirgelinta bandhigga, isagoo xusay in Dowladda DanQaran ay mudnaan gaar ah siiso taageeridda ganacsiyada yaryar ee kobcaya.




















