Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Prof. Salim Alio Ibro, iyo Wasiirka Jinsiga, Shaqada iyo Horumarinta Bulshada ee Uganda, Lt. Gen. Henry Tumukunde, ayaa kala saxiixday heshiis laba geesood ah oo lagu horumarinayo iskaashiga labada dal ee dhinacyada shaqada iyo shaqaaleysiinta.
Heshiiskan ayaa diiradda saaraya nidaaminta habraacyada shaqaaleysiinta muwaadiniinta Soomaaliya iyo Uganda, dhawrista xuquuqda shaqaalaha iyo xaqiijinta hannaan shaqaaleysiin oo ku dhisan hufnaan iyo caddaalad, iyadoo mudnaan la siinayo badqabka iyo daryeelka shaqaalaha labada dal.
Heshiiska ayaa sidoo kale qeexaya mas’uuliyadaha loo-shaqeeyayaasha, shuruudaha qandaraasyada shaqada iyo tallaabooyinka looga hortagayo tacaddiyada iyo ka faa’iidaysiga sharci-darrada ah ee shaqaalaha, iyadoo la xoojinayo wada-shaqeynta hay’adaha ay khusayso ee labada dowladood.
Waxaa intaas dheer in heshiisku dhigayo hannaan wadajir ah oo lagu dabagalayo fulintiisa, laguna xallinayo khilaafaadka la xiriira shaqada, iyadoo la raacayo shuruucda iyo xeerarka u dagsan labada dal.
Heshiiskan ayaa qayb ka ah dadaallada Dowladda Federaalka Soomaaliya ee lagu hagaajinayo maamulka suuqa shaqada, lagu xoojinayo ilaalinta xuquuqda shaqaalaha, laguna ballaarinayo fursadaha shaqo iyo iskaashiga caalamiga ah ee dhinaca shaqaaleysiinta.




























