| Somali
CAALAMKA
2 daqiiqo akhris
Wasiirka Gaashaandhigga oo Ku Baaqay Dib-u-habeyn Lagu Xoojinayo Amniga Qaranka iyo Isla-xisaabtanka
Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Axmed Macallin Fiqi, ayaa ka qaybgalay kulan ay Muqdisho ku yeesheen Guddiga Hagidda Mashruuca Amniga, Caddaaladda, Maamulka iyo Isla-xisaabtanka (SJGAP), isagaoo ku baaqay dib-u-habeyn lagu xoojinayo Amniga Qaranka.
Wasiirka Gaashaandhigga oo Ku Baaqay Dib-u-habeyn Lagu Xoojinayo Amniga Qaranka iyo Isla-xisaabtanka
Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Axmed Macallin Fiqi, ayaa ka qaybgalay kulanka Guddiga Hagidda Mashruuca Amniga, Caddaaladda, Maamulka & Isla-xisaabtanka

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa Talaadadii magaalada Muqdisho kaga qaybgalay kulan ay yeesheen Guddiga Hagidda Mashruuca Amniga, Caddaaladda, Maamulka iyo Isla-xisaabtanka (SJGAP).

Wasiirka oo khudbad ka jeediyay kulanka ayaa sheegay in horumarinta hay’ado difaac oo casri ah, xirfad leh, hufan, isla markaana lagula xisaabtami karo waajibaadkooda, ay muhiim u tahay xaqiijinta amniga qaranka, ilaalinta madax-bannaanida dalka iyo xoojinta dowladnimada Soomaaliya.

Wasiir Axmed Macallin Fiqi ayaa tilmaamay muhiimadda Hindise-sharciyeedka Difaaca Qaranka, kaas oo ay ansixiyeen Golaha Wasiirrada, haatanna horyaalla Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, isagoo xusay in sharcigani uu noqon doono saldhigga sharci ee difaaca qaranka iyo xoojinta isla-xisaabtanka.

Wasiirka ayaa carrabka ku adkeeyay in amniga qaranku uusan ku koobnayn oo keliya hawlgallada milatari, balse uu u baahan yahay hay’ado xooggan, maamul hufan, hoggaan wax-ku-ool ah iyo maareyn masuuliyad ku dhisan oo lagu hago arrimaha amniga qaranka.

Ugu dambeyn, Wasiirka Gaashaandhigga ayaa uga mahadceliyay Midowga Yurub iyo Adam Smith International taageerada ay ka geystaan horumarinta hay’adaha amniga iyo caddaaladda Soomaaliya. Wuxuu adkeeyay in dib-u-habeynta difaaca ay tahay inay Soomaaliya hoggaamiso, kuna dhisnaato lahaanshaha qaranka, isla markaana diiradda saarto natiijooyin waara.

Kulanka waxaa ka qaybgalay Wasiirka Amniga Gudaha, Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil, xubno ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Safiirka Midowga Yurub iyo mas’uuliyiin kale.

XIGASHO:SONNA