Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa qaabilay safiirrada dalalka Carabta ee deggan Soomaaliya iyo kuwa loo soo magacaabay dalka, iyagoo ka wada hadlay xaaladihii ugu dambeeyay ee dalka iyo sidii loo xoojin lahaa xiriirka iyo iskaashiga u dhexeeya Soomaaliya iyo dalalka Carabta.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta isku-duwidda diblomaasiyadeed iyo ballaarinta iskaashiga dhinacyada kala duwan ee ay labada dhinac danaha wadaagga ah ka leeyihiin.
SHEEKOOYIN KALE
Madaxweyne Xasan Sheekh iyo safiirrada dalalka Carabta ayaa sidoo kale mar kale adkeeyay muhiimadda ay leedahay sii wadista iskaashiga lagu taageerayo nabadda iyo xasilloonida heer gobol.
XIGASHO:SONNA























