| Somali
CAALAMKA
1 daqiiqo akhris
Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo ka Qaybgalay Furitaanka Shirweynaha 153-aad ee IPU ee Arusha
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BFS Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa ka qaybgalay furitaanka Shirweynaha 153-aad ee Midowga Baarlamaannada Adduunka (IPU), oo si rasmi ah uga furmay magaalada Arusha ee dalka Tanzania.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo ka Qaybgalay Furitaanka Shirweynaha 153-aad ee IPU ee Arusha
Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo ka Qaybgalay Furitaanka Shirweynaha 153-aad ee IPU ee Arusha / SONNA

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa ka qaybgalay furitaanka Shirweynaha 153-aad ee Midowga Baarlamaannada Adduunka (IPU), kaas oo si rasmi ah magaalada Arusha ee dalka Tanzania uga furay Ra’iisul Wasaaraha Tanzania, Dr. Mwigulu Lameck Nchemba.

Shirweynaha IPU oo socon doona muddo shan maalmood ah ayaa diiradda lagu saari doonaa mowduuca guud ee sanadkan oo ku saabsan horumarinta maamul-wanaagga, iskaashiga baarlamaannada iyo awood-siinta bulshooyinka, iyadoo loo marayo ka-qaybgal loo dhan yahay, kalsooni iyo fursado loo siman yahay.