| Somali
CAALAMKA
3 daqiiqo akhris
Masar, Soomaaliya, Suudaan iyo Eritrea oo heshiis ka gaaray dhowrista amniga gobolka
Shir-madaxeedkan afarta geesoodka ah ayaa diiradda lagu saaray qodobo xasaasi ah oo ay ka mid yihiin amniga Badda Cas, khilaafka webiga Niil, diidmada gooni-goosadka, iyo in xal nabadeed loo helo xiisadaha ka aloosan Geeska Afrika
Masar, Soomaaliya, Suudaan iyo Eritrea oo heshiis ka gaaray dhowrista amniga gobolka
Masar, Soomaaliya, Suudaan iyo Eritrea oo heshiis ka gaaray dhowrista amniga gobolka / Others

Hoggaamiyeyaasha dalalka Masar, Soomaaliya, Suudaan, iyo Eritrea ayaa Axaddii isku raacay inay xoojiyaan iskaashiga siyaasadeed, midka ammaan, iyo kan dhaqaale, iyagoo si wadajir ah ugu baaqay in si buuxda loo dhowro madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee dalalka gobolka.

Shir-madaxeedkan oo uu magaalada xeebeedka ah ee El Alamein ku martigeliyay Madaxweynaha Masar Cabdulfataax El-Sisi, ayaa waxaa ka qaybgalay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, Madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki, iyo Guddoomiyaha Golaha Madaxbannaanida ee Suudaan, Jeneraal Cabdulfataax Al-Burhaan.

War-murtiyeed wadajir ah oo ay soo saareen kulanka kaddib, ayay madaxdu ku caddeeyeen mowqifkooda midaysan ee ku aaddan diidmada faragelinta shisheeye iyo muhiimadda ay leedahay in khilaafaadka lagu xalliyo hab nabadeed, si gobolka looga abuuro xasillooni horseedda horumar dhaqaale oo waara.

Qadiyadda Soomaaliya iyo Taageerada AUSSOM

Soomaaliya ayaa udub-dhexaad u ahayd qodobbadii kasoo baxay shirka. Afarta dal ayaa xaqiijiyay taageeradooda hagar-la'aaneed ee ku aaddan midnimada Soomaaliya, iyagoo si gaar ah u diiday aqoonsi kasta oo la siiyo maamulka Somaliland, oo sannadkii 1991-kii ku dhawaaqay inuu ka go'ay Jamhuuriyadda inteeda kale.

Sidoo kale, hoggaamiyeyaasha ayaa bogaadiyay dadaallada dowladda Soomaaliya ee la-dagaallanka argagixisada, waxayna beesha caalamka ugu baaqeen inay dhaqaale joogto ah ku taageeraan Hawlgalka cusub ee Midowga Afrika (AUSSOM), si loo xoojiyo awoodda hay'adaha qaranka ee sugidda amniga dalka oo dhan.

Xaqa Biyaha Niilka iyo Amniga Badda Cas

Dhanka kale, madaxda ayaa isku raacay in maamulka iyo sugidda amniga Badda Cas ay tahay mas'uuliyad gaar ah oo saaran dalalka xeebaha ku leh, iyagoo adkeeyay ilaalinta xorriyadda isu-socodka maraakiibta caalamka.

Arrimaha webiga Niil, war-murtiyeedka ayaa si adag loogu dalbaday in la dhowro sharciga caalamiga ah ee nidaamiya webiyada isaga gudba xuduudaha.

Madaxda ayaa diiday tallaabo kasta oo hal dhinac ah (Unilateral actions) oo waxyeello u geysan karta saami-biyoodka dalalka ku yaalla qaybta hoose ee webiga (Downstream countries), iyagoo ku baaqay in arrimaha biyaha lagu maareeyo iskaashi iyo wada-tashi hordhac ah.

Xasaradda Suudaan iyo Joogteynta Wada-tashiga

Mar ay ka hadlayeen xaaladda dalka Suudaan, afarta hoggaamiye ayaa si adag u diiday in la dhiso hay'ado barbar socda kuwa qaranka ama in taageero la siiyo calooshood u shaqeystayaasha (Mercenaries) ee qaybta ka ah colaadda. Waxay ku baaqeen in dib loo bilaabo hannaan siyaasadeed oo ay Suudaaniyiintu leeyihiin, hoggaankiisana iyagu hayaan.

Gaba-gabadii, afarta waddan ayaa ku heshiiyay in la sameeyo hannaan joogto ah oo lagula socdo fulinta qodobbada lagu heshiiyay, iyadoo shirarka iskaashigan la qaban doono mar kasta oo loo baahdo.

Madaxweyneyaasha Soomaaliya, Eritrea, iyo Suudaan ayaa ugu dambeyn uga mahadceliyay dhiggooda Masar martigelinta shir-madaxeedkan.

XIGASHO:TRT SOMALI