Midowga Afrika ayaa dalalka Itoobiya, Eriteriya, iyo Masar ugu baaqay inay muujiyaan is-xakameyn buuxda, kana fogaadaan tallaabooyin ama hadallo sii kordhin kara xiisadda, waxna u dhimi kara nabadda iyo xasilloonida gobolka.
Bayaan uu Guddiga Midowga Afrika soo saaray fiidnimadii Khamiista, ayuu saddexda waddan ugu boorriyay inay khilaafaadkooda ku xalliyaan waddooyinka diblumaasiyadeed ee furan iyo wada-hadal nabadeed, si looga hortago in xaaladda amni iyo midda siyaasadeed ee gobolku ay faraha ka baxdo.
Xiisadda Addis Ababa iyo Asmara
Baaqan ayaa yimid kaddib markii xukuumadda Itoobiya ay Khamiistii amartay in la xiro safaaraddeeda ku taalla Eriteriya, isla markaana ay 10 diblumaasi oo Eriteriyan ah oo ku sugnaa Addis Ababa ugu dhawaaqday shakhsiyaad aan dalka laga rabin (Persona non grata).
Go’aankaas ayaa horseeday in Eriteriya ay dhankeeda gabi ahaanba xiriirkii diblumaasiyadeed u jarto Itoobiya.
“Eriteriya ma haysato doorasho kale oo aan ka ahayn inay si la mid ah uga jawaabto oo ay jarto dhammaan xiriirka diblumaasiyadeed ee Itoobiya, iyadoo ay la socdaan dhammaan cawaaqibta taban ee arrintaasi leedahay,” ayaa lagu yiri qoraal ay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Eriteriya ku baahisay barteeda xiriirka bulshada ee X.
Xiisadda Masar iyo Itoobiya
Dhanka kale, xiisaddan diblumaasiyadeed ayaa si toos ah u saameysay Masar.
Dowladda Itoobiya ayaa diblumaasi u dhashay dalkaas ku dhawaaqday shakhsi aan dalka laga rabin, iyadoo ku amartay inuu 48 saacadood gudahood uga baxo gudaha Itoobiya.
Qaahira ayaa iyaduna saacado kaddib tallaabo taasi la mid ah qaadday, iyadoo la-taliye ka tirsan Safaaradda Itoobiya ee Masar ugu dhawaaqday shakhsi aan la rabin, una qabatay 48 saacadood inuu dalka kaga baxo.
Tallaabooyinkan is-dhaafsiga ah ayaa soo baxay iyadoo Itoobiya ay Masar ku eedeysay inay taageero siiso kooxo hubeysan oo ka dagaallama waqooyiga dalkaas.
Masar ayaa dhankeeda si adag u beenisay eedeymahaas, iyadoo xustay inaysan wax faragelin ah ku hayn arrimaha gudaha ee Itoobiya ama dal kale oo gobolka ah.




















