| Somali
CAALAMKA
1 daqiiqo akhris
Guddoomiyaha SoDMA iyo Taliyaha Ciidanka Badda oo ka Wada Hadlay u Diyaar-garowga El Niño
Guddoomiyaha SoDMA iyo Taliyaha Ciidanka Badda Soomaaliya ayaa kulankooda diiradda ku saaray u diyaar-garowga El Niño iyo ilaalinta bulshooyinka nugul, gaar ahaan dadka ku nool xeebaha iyo deegaannada u nugul fatahaadaha.
Guddoomiyaha SoDMA iyo Taliyaha Ciidanka Badda oo ka Wada Hadlay u Diyaar-garowga El Niño
Guddoomiyaha SoDMA iyo Taliyaha Ciidanka Badda oo ka Wada Hadlay u Diyaar-garowga El Niño

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa la kulmay Taliyaha Ciidanka Badda iyo Ilaalada Xeebaha Soomaaliya, Sarreeye Guuto Cabdiwahaab Cabdullaahi Cumar, si ay uga wada hadlaan u diyaar-garowga El Niño iyo gurmadka degdegga ah.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray doorka Ciidanka Badda ee ilaalinta bulshooyinka nugul, gaar ahaan dadka ku nool xeebaha iyo deegaannada u nugul fatahaadaha.

Sarreeye Guuto Cabdiwahaab ayaa mar kale xaqiijiyay sida ay Ciidanka Badda uga go’an tahay inay si dhow ula shaqeeyaan SoDMA, isla markaana ay taageeraan qorshaha qaran ee u diyaar-garowga.

Guddoomiyaha Hay’adda Maxamuud Macallin ayaa bogaadiyay dadaallada diyaar-garowga ee Ciidanka Badda, wuxuuna ku baaqay dadaal iyo tallaabo dheeraad ah oo lagu ilaalinayo laguna badbaadinayo nolosha dadka.

XIGASHO:SONNA