| Somali
CAALAMKA
1 daqiiqo akhris
Guddoomiyaha Golaha Dhaqaalaha Qaranka Soomaaliya oo Gaaray Algeria suu uga Qaybgalo Kulamo Dhaqaale
Guddoomiyaha Golaha Dhaqaalaha Qaranka Soomaaliya Dr. Xasan Aadan Hoosow ayaa gaaray Algiers, si uu uga qayb galo kulamo dhaqaale iyo furitaanka kalfadhiga saddexaad ee Golaha Qaranka Dhaqaalaha, Bulshada iyo Deegaanka ee Algeria.
Guddoomiyaha Golaha Dhaqaalaha Qaranka Soomaaliya oo Gaaray Algeria suu uga Qaybgalo Kulamo Dhaqaale
Guddoomiyaha Golaha Dhaqaalaha Qaranka Soomaaliya oo Gaaray Algeria si uu uga Qaybgalo Kulamo Dhaqaale / SONNA

Guddoomiyaha Golaha Dhaqaalaha Qaranka Soomaaliya ahna La-taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Dhaqaalaha, Dr. Xasan Aadan Hoosow, ayaa Axaddii gaaray Algiers si uu uga qayb galo kulamo dhaqaale iyo furitaanka kalfadhiga saddexaad ee caadiga ah ee Golaha Qaranka Dhaqaalaha, Bulshada iyo Deegaanka ee Algeria.

Dr. Hoosow waxaa si diirran ugu soo dhaweeyay Garoonka Caalamiga ah ee Algiers dhiggiisa Algeria, Prof. Mohamed Bukhari, iyo Safiirka Soomaaliya u fadhiya Algeria, Yuusuf Axmed Xasan (Yuusuf Jeego).

Kulamada iyo munaasabadda furitaanka ayaa lagu wadaa inay ka dhacaan Algiers 29-ka ilaa 30-ka Sebtembar 2026.

XIGASHO:SONNA