| Somali
CAALAMKA
1 daqiiqo akhris
Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo La Kulmay Safiirka Qatar si loo Xoojiyo Xiriirka Labada Dal
Guddoomiyaha Golaha Shacabka BFS Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa xafiiskiisa kulan kula yeeshay Safiirka Qatar ee Soomaaliya, Dr. Abdullah bin Salem Al-Nuaimi, iyagoo ka wada hadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo La Kulmay Safiirka Qatar si loo Xoojiyo Xiriirka Labada Dal
Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo La Kulmay Safiirka Qatar si loo Xoojiyo Xiriirka Labada Dal / SONNA

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa xafiiskiisa kulan miro-dhal ah kula yeeshay Safiirka Qatar ee Soomaaliya, Dr. Abdullah bin Salem Al-Nuaimi.

Guddoomiyaha iyo Safiirka Qatar ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka laba geesoodka ah iyo iskaashiga labada dal ee dhinacyada kala duwan.

Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa Dawladda Qatar uga mahadceliyay taageerada joogtada ah iyo garab istaagga ay u fidiso Dawladda iyo shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan taageerada ay siiso ilaalinta midnimada qaranka, madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.

Guddoomiyaha ayaa sidoo kale bogaadiyay mashaariicda horumarineed ee wax-ku-oolka ah ee Qatar ka fuliso Soomaaliya, kuwaas oo gacan ka geysta horumarinta adeegyada aasaasiga ah ee shacabka Soomaaliyeed iyo taageeridda horumarka guud ee dalka.

XIGASHO:SONNA