| Somali
CAALAMKA
2 daqiiqo akhris
Dhakhaatiirta Suudaan oo RSF ku Eedeeyay Bililiqeysiga Isbitaal ku yaalla Magaalo Dib Looga Qabsaday
Shabakadda Dhakhaatiirta Suudaan ayaa Ciidamada Gurmadka Degdegga ah (RSF) ku eedeysay inay bililiqeysteen Isbitaalka Miyiga ee Sodari ee gobolka Waqooyiga Kordofan, burburiyeenna qalabkiisa caafimaad, isla markaana ay burbur uga tageen.
Dhakhaatiirta Suudaan oo RSF ku Eedeeyay Bililiqeysiga Isbitaal ku yaalla Magaalo Dib Looga Qabsaday
Dhakhaatiirta Suudaan oo RSF ku Eedeeyay Bililiqeysiga Isbitaal ku yaalla Magaalo Dib Looga Qabsaday / Anadolu Agency

Shabakadda Dhakhaatiirta Suudaan ayaa Sabtidii Ciidamada Gurmadka Degdegga ah (RSF) ku eedeysay inay bililiqeysteen Isbitaalka Miyiga ee Sodari ee gobolka Waqooyiga Kordofan, burburiyeenna qalabkiisa caafimaad, isla markaana ay burbur uga tageen.

Kooxdan caafimaad ee madaxa-bannaan ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in isbitaalku uu adeeg siin jiray in ka badan 50,000 oo qoys ka hor dagaalka. Waxay RSF ku eedeysay inay weerareen oo bililiqeysteen kaabeyaasha, agabka iyo qalabka caafimaad ee xarunta.

Shabakadda ayaa sheegtay in burburkaasi uu dadka deegaanka ka hor istaagay helitaanka adeegyada caafimaad ee aasaasiga ah, xilli deegaanka ay ka jiraan baahiyo bani’aadannimo iyo caafimaad oo aad u daran.

Waxay bililiqeysiga iyo burburinta xarumaha caafimaadka ku tilmaantay weerar toos ah oo lagu hayo xaqa helitaanka daryeelka caafimaadka, iyadoo sheegtay inay wiiqayso awoodda nidaamka caafimaadka ee u adeegidda dadka rayidka ah.

Shabakadda ayaa ugu baaqday beesha caalamka iyo hay’adaha bani’aadannimada iyo xuquuqda aadanaha inay cambaareeyaan xadgudubyada, gacan ka geystaan ilaalinta xarumaha caafimaadka ee goobaha colaadaha, isla markaana cadaadis ku saaraan hoggaamiyeyaasha RSF inay joojiyaan weerarrada lagu hayo xarumaha caafimaadka, lana xisaabtamaan kuwa mas’uulka ka ah.

RSF ayaan ka hadlin eedeymaha loo jeediyay.

Jimcihii, militariga Suudaan ayaa sheegay inuu la wareegay gacan ku haynta magaalada Sodari ee Waqooyiga Kordofan, isla markaana uu RSF gaarsiiyay khasaare dhinaca ciidamada iyo qalabka ah.

Militariga ayaa dhawaan horumar ka sameeyay qaybo badan oo ka mid ah Waqooyiga Kordofan kaddib dagaallo uu la galay RSF, isagoo sheegay inuu la wareegay 11 deegaan oo gobolka ka tirsan.

6-dii Sebteembar, militariga ayaa ku dhawaaqay inuu la wareegay Hamrat al-Wiz oo ku taalla deegaanka Jabra al-Sheikh ee Waqooyiga Kordofan.

Tan iyo dabayaaqadii Luulyo, militariga ayaa la wareegay dhul ballaaran oo ka tirsan Waqooyiga Kordofan kaddib markii uu dib u qabsaday Bara, Jabra al-Sheikh iyo Umm Sayala, isagoo sidoo kale sugay waddada weyn ee isku xirta Bara iyo Omdurman, oo galbeed ka xigta caasimadda Khartoum.

Saddexda gobol ee Kordofan ee Suudaan — Waqooyiga, Galbeedka iyo Koonfurta Kordofan — ayaa tan iyo bishii Oktoobar ee la soo dhaafay waxaa ka socday dagaallo u dhexeeya militariga iyo RSF.

Suudaan waxaa tan iyo 2023 ka socda dagaal u dhexeeya militariga iyo RSF, kaas oo sababay dhimashada tobannaan kun oo qof iyo barakaca ku dhawaad 13 milyan oo qof, sida ay sheegayaan qiyaasaha Qaramada Midoobay iyo kuwa caalamiga ah.

XIGASHO:Anadolu Agency