Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre, ayaa Talaadadii duleedka Muqdisho ka furay Bandhigga Dalxiiska Soomaaliya oo ay soo qabanqaabisay Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska.
Boqolaal qof oo deegaanka ah ayaa ka qaybgalay bandhigga, kaas oo lagu soo bandhigay fursadaha iyo goobaha dalxiiska ee Soomaaliya.
Ra’iisul Wasaare Xamza ayaa sheegay in Soomaaliya ay leedahay fursado dalxiis oo waaweyn, kuwaas oo wax ku biirin kara dhaqaalaha qaranka haddii la helo shuruudaha lagama maarmaanka ah, oo ay ku jiraan shaqaale ku habboon, tiknoolajiyad casri ah iyo xirfado.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa bogaadiyay ganacsiyada gaarka loo leeyahay iyo dhinacyada kale ee maalgashanaya waaxda dalxiiska Soomaaliya, gaar ahaan dalxiiska xeebaha, oo uu tilmaamay inuu ka mid yahay fursadaha waaweyn ee dalka.
Ra’iisul Wasaare Xamza ayaa sidoo kale ka hadlay madaxbannaanida iyo midnimada qaranka, isagoo warqad uu siyaasi u gudbiyay Qaramada Midoobay ku tilmaamay mid nasiib-darro ah oo waxyeello u geysanaysa madaxbannaanida iyo midnimada dalka.
Wuxuu carrabka ku adkeeyay in midnimada qaranku ay ka sarreyso kala duwanaanshaha iyo khilaafaadka siyaasadeed, isagoo ku tilmaamay dhaxal jiilba jiil u gudbiyay, kaas oo Soomaalidu ay u hureen naf iyo maal.





















