| Somali
CAALAMKA
3 daqiiqo akhris
Haweeneydii ugu horreysay abid oo loo magacaabay xilka Ra'iisul Wasaaraha dalka Marooko
El Mansouri ayaa magacaabisteeda ku tilmaantay “waqti taariikhi ah” oo dalka u soo hoyday. “Waa markii ugu horreysay ee haweeney loo magacaabo inay hoggaamiso dowladda, waana arrin aniga iyo dhammaan haweenka dalka sharaf noo ah,” ayay tiri
Haweeneydii ugu horreysay abid oo loo magacaabay xilka Ra'iisul Wasaaraha dalka Marooko
Fatima Ezzahra El Mansouri / Others

Boqorka dalka Marooko Mohammed VI, ayaa Fatima Ezzahra El Mansouri u magacaabay ra’iisul wasaaraha dalkaas, taas oo ka dhigaysa haweeneydii ugu horreysay ee xilkan ka qabata taariikhda Marooko.

Magacaabistan ayaa timid kaddib markii Xisbiga Asalka iyo Casriyeynta (Authenticity and Modernity Party - PAM) uu kaalinta koowaad ka galay doorashadii baarlamaanka ee dhacday 23-kii Sebtembar, isagoo ku guuleystay 97 kursi oo ka mid ah 395-ka kursi ee Golaha Wakiillada.

Bayaan kasoo baxay Wasaaradda Aqalka Boqortooyada iyo Hab-maamuuska ayaa lagu sheegay in Boqor Mohammed VI uu Talaadadii El Mansouri ku qaabilay Qasriga Boqortooyada ee magaalada Rabaat, uuna u magacaabay madaxa dowladda, isagoo u xilsaaray soo-dhisidda xukuumadda cusub.

Sida uu dhigayo dastuurka dalkaas, boqorka ayaa ra’iisul wasaaraha ka magacaaba xisbiga kaalinta koowaad ka gala doorashada, halka wasiirrada lagu magacaabo soo-jeedinta ra’iisul wasaaraha.

El Mansouri ayaa magacaabisteeda ku tilmaantay “waqti taariikhi ah” oo dalka u soo hoyday. “Waa markii ugu horreysay ee haweeney loo magacaabo inay hoggaamiso dowladda, waana arrin aniga iyo dhammaan haweenka dalka sharaf noo ah,” ayay tiri.

Waxa ay intaas raacisay inay si degdeg ah u bilaabi doonto wada-tashiyo ay la yeelanayso xisbigeeda iyo xisbiyada kale, si loo dhiso xukuumad wadaag ah oo hesha aqlabiyadda baarlamaanka.

Sidoo kale, waxa ay ballan-qaadday in dowladda cusub ay si gaar ah uga jawaabi doonto filashada shacabka, gaar ahaan dhallinyarada, iyadoo qorshaha xukuumadda lagu saleyn doono xalal dhab ah oo la fulin karo.

Natiijada Doorashada iyo Isbahaysiga

Xisbiga PAM ayaa noqday xisbiga ugu weyn baarlamaanka cusub kaddib markii uu helay 97 kursi.

Waxaa kaalinta labaad galay Isbahaysiga Qaranka ee Madax-bannaanida (RNI) oo helay 66 kursi. Waxaa ku xigay Xisbiga Istiqlal (PI) oo helay 65 kursi, halka Xisbiga Caddaaladda iyo Horumarka (PJD) uu isna helay 54 kursi.

Maadaama aqlabiyadda Golaha Wakiilladu ay u baahan tahay ugu yaraan 198 kursi, xisbiga PAM keligiis ma dhisi karo xukuumad, waxaana El Mansouri horyaalla wada-hadallo xasaasi ah oo lagu dhisayo isbahaysi dowladeed.

Wakaaladda wararka ee Reuters ayaa werisay in El Mansouri ay muujisay inay u furan tahay wada-hadal ballaaran oo lagu raadinayo isbahaysi, iyadoo xisbigeeda PAM uu doorashada galay isagoo ah xisbi dhexe, halka RNI iyo Istiqlal ay ahaayeen xubno muhiim ah oo ka tirsanaa xukuumaddii hore.

Waa tuma Fatima Ezzahra El Mansouri?

El Mansouri ayaa ka mid ahayd siyaasiyiintii sida weyn uga dhex muuqday xisbiga PAM tan iyo markii la aasaasay sannadkii 2008. Waxay fagaaraha siyaasadda magac ku yeelatay 2009-kii markii loo doortay duqa magaalada Marrakech, iyadoo noqotay haweeneydii ugu horreysay ee magaaladaas hoggaamisa.

Waxa ay sidoo kale soo qabatay xilal dowladeed oo ay ka mid tahay Wasiirka Qorsheynta Magaalooyinka iyo Guriyeynta.

Kahor magacaabistan, El Mansouri waxay ahayd isku-duwaha hoggaanka wadajirka ah ee PAM, iyadoo xilkaas la wadaageysay Mehdi Bensaid iyo Fatima Saadi oo ka tirsan madaxda sarsare ee xisbiga.

Magacaabisteeda ayaa imanaysa xilli Marooko ay isu diyaarinayso marxalad siyaasadeed iyo mid dhaqaale oo muhiim ah.

Dowladda cusub ayaa wajihi doonta xal-u-helidda arrimo ay ka mid yihiin shaqo-la'aanta dhallinyarada iyo tayeynta adeegyada bulshada.

Dhanka kale, Reuters ayaa xustay in xukuumadda cusub ay la wareegi doonto hormuudnimada diyaar-garowga ballaaran ee Koobka Adduunka 2030-ka, kaas oo ay Marooko si wadajir ah ula martigelinayso dalalka Spain iyo Portugal.

XIGASHO:َAA
Raadi Warar Kale
Madaxweynaha Hirshabeelle oo Codkiisa Dhiibtay iyadoo Doorashooyinka Deegaanku Socdaan
Jabuuti oo si kulul u cambaareysay xad-gudubka Israa'iiliyiinta ee Masjidka Al-Aqsa
Siddeed badmaax oo Masaari ah oo laga sii daayay markab lagu afduubtay xeebaha Soomaaliya
Madaxweynaha Soomaaliya oo wada-hadallo la yeeshay dhiggiisa Jabuuti
Ra’iisul Wasaaraha Qatar oo Netanyahu ku tilmaamay ‘dambiile dagaal’
Soomaaliya: Doorashooyin qof iyo cod ah oo ka bilowday maamullada Galmudug iyo Hirshabeelle
SoDMA iyo WHO oo Ka Wada Hadlay U Diyaar-garowga Xaaladaha Degdegga ah ee Caafimaadka
Guddoomiyaha Golaha Dhaqaalaha Qaranka Soomaaliya oo Gaaray Algeria suu uga Qaybgalo Kulamo Dhaqaale
Ra’iisul Wasaare Xamza oo Muqdisho ka Furay Bandhigga Dalxiiska Soomaaliya
Aqoonyahanno iyo Xirfadlayaal Soomaaliyeed oo ka Yimid Saddex Qaaradood oo Lagu Maamuusay Edmonton
Soomaaliya iyo Brazil oo ka Wada Hadlay Xoojinta Iskaashiga Waxbarashada iyo Ganacsiga
Sacuudi Carabiya oo dib u billowday dhoofinta shiidaalka ee dekedda Yanbuc
Maamulka Suudaan oo RSF ku Eedeeyay Weerarro Lagu Qaaday Xarumaha Rayidka ee El-Obeid
Madaxweyne Xasan Sheekh oo Addis Ababa kula kulmay Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed
Soomaaliya iyo UN-Habitat oo ka Wada Hadlay Guriyeynta iyo Horumarinta Magaalooyinka
Wasiirka Arrimaha Gudaha oo Kormeeray Adeegyada iyo Nidaamyada Diiwaangelinta Madaniga ah
Guddoomiyaha SoDMA iyo Taliyaha Ciidanka Badda oo ka Wada Hadlay u Diyaar-garowga El Niño
RW Xamsa oo Ballidoogle ku guddoomiyey qalin jabinta cutubyo ka tirsan Kumaandooska Danab
Soomaaliya oo xarumo waxbarasho, caafimaad u dhisaysa carruurta askartii ku dhimatay difaaca dalka
Dhakhaatiirta Suudaan oo RSF ku Eedeeyay Bililiqeysiga Isbitaal ku yaalla Magaalo Dib Looga Qabsaday