| Somali
CAALAMKA
3 daqiiqo akhris
Jabuuti oo si kulul u cambaareysay xad-gudubka Israa'iiliyiinta ee Masjidka Al-Aqsa
Wasaaradda Arrimaha Dibadda Jabuuti ayaa sheegtay in tallaabooyinkan ay dhaawacayaan dareenka Muslimiinta, isla markaana ay si cad u jebinayaan sharciga caalamiga ah
Jabuuti oo si kulul u cambaareysay xad-gudubka Israa'iiliyiinta ee Masjidka Al-Aqsa
Masjidka Al-Aqsa / reuters

Dowladda Jabuuti ayaa si adag u cambaareysay gudaha-u-gelidda isdaba-joogga ah ee ay saraakiisha Israa’iil iyo Yuhuudda deegaameynta ku sameynayaan barxadda Masjidka Al-Aqsa ee magaalada Qudus Bari, iyadoo sheegtay in falalkaasi ay si cad u jebinayaan sharciga caalamiga ah iyo xeerarka bani’aadantinimada.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Jabuuti ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in xukuumaddu ay “si weyn u cambaareyneyso sii-socoshada gudaha-u-gelidda ay saraakiisha maamulka gumeysiga Israa’iil iyo Yuhuudda xagjirka ah ee deegaameyntu ku hayaan Masjidka Al-Aqsa”.

“Daandaansigan horleh ee dhaawacaya dareenka dhammaan Muslimiinta caalamka waa mid aan la aqbali karin,” ayaa lagu yiri bayaanka.

Jabuuti ayaa sidoo kale sheegtay inay si buuxda u diiddan tahay tallaabo kasta oo lagu beddelayo xaaladda taariikhiga ah iyo midda sharciyeed ee ka jirta Masjidka Al-Aqsa.

“Jamhuuriyadda Jabuuti waxay si cad u diiddan tahay tallaabo ama dhaqan kasta oo lagu doonayo in lagu beddelo xaaladda taariikhiga ah iyo midda sharciyeed ee barxadda Al-Aqsa,” ayay wasaaraddu raacisay.

Waxay ugu baaqday beesha caalamka inay qaadato mas’uuliyaddeeda si loo joojiyo waxa ay ku tilmaantay xadgudubyo soo-noqnoqday, isla markaana loo ilaaliyo xurmada goobtaas barakeysan.

Jabuuti oo ku celisay taageerada dowlad Falastiini ah

Bayaanka ayaa sidoo kale dib loogu xaqiijiyay mowqifka Jabuuti ee ku aaddan taageeridda xuquuqda shacabka Falastiin iyo dhismaha dowlad madax-bannaan.

“Jamhuuriyadda Jabuuti waxay mar kale xaqiijineysaa taageeradeeda joogtada ah ee xuquuqda sharciga ah ee shacabka Falastiin, iyo dhismaha dowlad Falastiini ah oo madax-bannaan, taas oo leh xuduudihii 4-tii Juun 1967, caasimadduna ay tahay Qudus Bari,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Jabuuti waxay xustay in mowqifkaasi uu si buuxda u waafaqsan yahay qaraarrada caalamiga ah ee khuseeya arrinta Falastiin.

Ku-xadgudubka Al-Aqsa oo kordhay xilliga fasaxa Sukkot

Bayaanka Jabuuti ayaa soo baxay xilli ay sare u kaceen tirada kooxaha Yuhuudda ah ee xoogga lagu gelinayo Masjidka Al-Aqsa, intii lagu guda-jiray fasaxa Yuhuudda ee loo yaqaanno Sukkot.

Mas’uuliyiinta Falastiin ayaa weriyay in in ka badan 1,100 ka mid ah Yuhuudda deegaameynta ay Axaddii galeen barxadda Masjidka Al-Aqsa, iyadoo falkaasna uu dhacay xilli ciidamada Israa’iil ay goobta si weyn u sugayeen.

Maalintii Isniinta, tirada dadka gudaha u galay goobta ayaa gaartay 1,731 qof, sida uu sheegay Maamulka Qudus, halka tallaabooyinkan daandaansiga ah ay sii socdeen maalmihii Talaadada iyo Arbacada.

Maamulka Waqfiga Islaamiga ah ee Qudus iyo warbaahinta Falastiin ayaa sheegay in qaar ka mid ah Yuhuudda goobta galay ay sameeyeen ducooyin iyo cibaadooyin diintooda la xiriira.

Tani ayaa dhacday iyadoo isla markaasna la soo rogay xayiraado dheeraad ah oo lagu xaddidayo dhaq-dhaqaaqa dadka Falastiiniyiinta ah ee ku sugan Magaalada Qadiimiga ah ee Qudus.

XIGASHO:TRT SOMALI