Madaxweynaha Hirshabeelle ahna musharrax, Cali Guudlaawe Xuseen, ayaa Arbacadii codkiisa ka dhiibtay magaalada Jowhar, iyadoo ay sii socotay codbixinta xubnaha Golaha Wakiillada Hirshabeelle iyo golayaasha deegaanka.
Isagoo hadlayay kaddib markii uu codeeyay, Guudlaawe ayaa maalinta doorashada ku tilmaamay waqti muhiim u ah shacabka Hirshabeelle, wuxuuna codbixiyeyaasha ugu baaqay inay codkooda siiyaan musharraxiinta ay rumeysan yihiin inay sida ugu wanaagsan ugu adeegayaan danahooda.
“Maanta waa maalin weyn, iyadoo shacabka Hirshabeelle ay safaf ugu jiraan goobaha codbixinta si ay codkooda u dhiibtaan,” ayuu yiri Guudlaawe, isagoo geeddi-socodkan ku tilmaamay mid taariikhi u ah Hirshabeelle iyo Soomaaliya.
Wuxuu sheegay in codbixintu si nabad ah uga socoto guud ahaan dowlad-goboleedka, wuxuuna codbixiyeyaasha ugu baaqay inay mudnaan siiyaan dadka waayeelka ah iyo kooxaha kale ee nugul ee ku sugan goobaha codbixinta.
Guudlaawe ayaa u hambalyeeyay shacabka Hirshabeelle, wuxuuna rajo ka muujiyay in geeddi-socodka codbixintu si nabad ah ku soo dhammaado.
Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha, oo uu hoggaaminayo Guddoomiye Cabdikariim Axmed Xasan, ayaa sidoo kale kormeeray goobaha codbixinta ee Jowhar, waxaana wehliyay Guddoomiye Ku-xigeenka Guddiga Saadiq Abshir Garaad iyo xubno kale oo guddiga ka tirsan.





















