| Somali
CAALAMKA
2 daqiiqo akhris
Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo Shaaciyay xilliga Qabashada Doorashada Baarlamaanka & Madaxweynaha
Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa sidoo kale soo saaray jadwalka howlaha doorashooyinka, kaas oo ka bilaabanaya dib-u-furista diiwaangelinta xisbiyada siyaasadda iyo codbixiyeyaasha 1-da November 2026.
Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo Shaaciyay xilliga Qabashada Doorashada Baarlamaanka & Madaxweynaha
[Sawir Hore]: Nin Soomaaliyeed oo haya warqaddiisa codbixinta, degmada Hodan ee Muqdisho, 25 Diseembar 2025.

Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa ku dhawaaqay in doorashada labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya la qaban doono 15-ka Abriil 2027, halka doorashada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ay dhici doonto 15-ka Maayo 2027.

Guddiga ayaa sheegay inuu go’aankan ku gaaray isagoo gudanaya waajibaadkiisa dastuuriga ah, si waafaqsan Qodobka 56-aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Qodobka 18-aad, farqaddiisa labaad, ee Sharciga Doorashooyinka Qaranka, kaas oo dhigaya in taariikhda doorashada Baarlamaanka la cayimo 180 maalmood ka hor maalinta codbixinta.

Taariikhda doorashada Madaxweynaha ayaa loo asteeyay si waafaqsan Qodobka 112-aad ee Dastuurka, kaas oo dhigaya in muddo-xileedka Madaxweynuhu yahay shan sano, laga bilaabo maalinta la dhaariyo.

Guddiga ayaa sidoo kale shaaciyay howlaha mudnaanta leh ee lagu hirgelinayo doorashooyinka iyo taariikhaha ay tahay in la soo gabagabeeyo, si waafaqsan shuruucda doorashooyinka dalka.

Diiwaangelinta xisbiyada siyaasadda iyo codbixiyeyaasha ayaa dib loo furi doonaa muddo 21 maalmood ah, laga bilaabo 1-da ilaa 22-da Novembar 2026. Waqtiga kama dambaysta ah ee gudbinta liisaska musharraxiinta labada Aqal ee Baarlamaanka ayaa ah 22-da November 2026, si waafaqsan Qodobka 42-aad, farqaddiisa koowaad, ee Sharciga Doorashooyinka Qaranka, kaas oo dhigaya in liisaska musharraxiinta la gudbiyo 120 maalmood oo shaqo ka hor maalinta codbixinta.

Liiska hordhaca ah ee codbixiyeyaasha ayaa la shaacin doonaa 21-da Janaayo 2027, iyadoo la raacayo Qodobka 34-aad, farqaddiisa koowaad, ee Sharciga Doorashooyinka Qaranka, kaas oo guddiga faraya inuu liiska hordhaca ah soo saaro laba bilood gudahood marka ay dhammaato diiwaangelintu.

Ololaha doorashada labada Aqal ee Baarlamaanka ayaa bilaaban doona 27-da Febraayo 2027, si waafaqsan Qodobka 45-aad, farqaddiisa labaad, ee sharciga, kaas oo dhigaya in ololaha doorashadu furmo 45 maalmood ka hor maalinta codbixinta.

Liiska kama dambaysta ah ee codbixiyeyaasha ayaa la shaacin doonaa 15-ka Maarso 2027, iyadoo la raacayo Qodobka 34-aad, farqaddiisa labaad, kaas oo guddiga ku waajibinaya inuu liiska kama dambaysta ah soo saaro 30 maalmood ka hor maalinta codbixinta, kaddib marka dib-u-eegis iyo sixitaan lagu sameeyo liiska hordhaca ah.

Guddiga ayaa sheegay in dib-u-furista diiwaangelinta looga gol leeyahay in la xaqiijiyo ka-qaybgal ballaaran oo ay dadweynuhu ku yeeshaan doorashooyinka.

XIGASHO:SONNA
Raadi Warar Kale
Sii-hayaha Safaaradda Soomaaliya ee Morocco oo ka Qaybgalay Toddobaadka Amniga Internetka ee Morocco
Shirweynaha Adkeysiga Musiibooyinka Soomaaliya 2026 oo Lagu Soo Gabagabeeyay Muqdisho
Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Qaabilay Safiirka Cusub ee Turkiga u Fadhiya Soomaaliya
Madaxweyne Xasan Sheekh oo Qaabilay Safiirrada Dalalka Carabta, Kalana Hadlay Xoojinta Iskaashiga
Shirweynaha Saddexaad ee Adkeysiga Musiibooyinka Soomaaliya oo Muqdisho ka Furmay
Wasiirka Deegaanka oo ku Baaqay Xalal ku Saleysan Cilmi-baaris si Loo Xoojiyo Adkeysiga Soomaaliya
Wasiirka Qorsheynta oo Madasha EACON 2026 ku Soo Bandhigay Fursadaha Maalgashi ee Soomaaliya
Masar oo ku baaqday in la joojiyo weerarrada Sacuudiga, lana bilaabo wada-hadallada US iyo Iiraan
Al-Burhan oo amray baaritaan lagu sameeyo duqeyntii xadka Suudaan ee lagu dilay 72 macdan-qode
Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo Qaabilay Safiirka Algeria U Fadhiya Soomaaliya
Soomaaliya oo ka Qaybgashay Madasha Caalamiga ah ee Dijitaalka 2026 ee Moscow
Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka Qaybgalay Munaasabadda Qaran ee Xuska Maalinta Calanka Soomaaliyeed
Soomaaliya oo ka Qaybgashay Madasha Caalamiga ah ee Tamarta ee Riyadh
Soomaaliya iyo Mareykanka oo Ka Wada Hadlay Doorka Warbaahinta ee La-dagaallanka Argagixisada
Wasiiru Dowlaha Gaashaandhigga oo Soo Xiray Tababar loo Qabtay Ciidamada Qaybta 21-aad
Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Baarlamaanka Faray inuu Mudnaan Siiyo Sharciyada Xuquuqda Haweenka
Soomaaliya iyo Sacuudiga oo ka Wada Hadlay Xoojinta Iskaashiga Warbaahinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska
Taliyaha CXDS oo ka Qaybgalay Shirka Taliyeyaasha Ciidamada Difaaca Afrika ee Kampala
Guddiga Koonfur Galbeed oo Dib u Eegay Diyaar-garowga El Niño ee Shabeellaha Hoose
Kenya oo aas loogu sameeyey qofkii ugu horreeyay ee Ebola ugu dhinta dalka