Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, Cabdifataax Qaasim Maxamuud, ayaa Axaddii magaalada Muqdisho ku qaabilay Safiirka Sacuudiga u fadhiya Soomaaliya, Axmed Bin Maxamed Al-Muwallad, iyagoo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dal ee dhinacyada warbaahinta, dhaqanka iyo dalxiiska.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray ballaarinta baahinta warbaahinta iyo xoojinta barnaamijyada ku baxa afka Carabiga.
Wasiirka iyo Safiirka ayaa sidoo kale kormeeray xarumaha Warbaahinta Qaranka, oo ay ka mid yihiin Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed, Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed, Radio Muqdisho iyo keydkiisa taariikhiga ah.
Wasiir Cabdifataax ayaa Dowladda Sacuudiga uga mahadceliyay taageerada joogtada ah ee ay siiso Soomaaliya, halka Safiirku uu mar kale xaqiijiyay sida ay Sacuudiga uga go’an tahay taageeridda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo shacabka Soomaaliyeed.
Kulanka ayaa muujiyay dadaallada socda ee lagu sii xoojinayo iskaashiga Soomaaliya iyo Sacuudiga ee dhinacyada warbaahinta, dhaqanka iyo dalxiiska.





















