Guddoomiyeyaasha kooxaha kubadda cagta Jabuuti ayaa Isniintii xilka ka qaaday Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta dalkaas (FDF), Souleiman Xassan Waaberi iyo guddigiisa fulinta, kaddib shir aan caadi ahayn oo ay yeesheen xubnaha xiriirka.
Dhammaan 39-kii ergo ee kulanka ka qaybgalay ayaa isku raacay in xilka laga xayuubiyo Waberi, iyagoo dhanka kalena magacaabay guddi ku-meel-gaar ah oo sii maamulaya shaqada xiriirka.
Si kastaba ha ahaatee, Xiriirka Kubadda Cagta Jabuuti ayaa ganafka ku dhuftay go’aankaas.
Bayaan kasoo baxay xiriirka ayaa lagu caddeeyay in kulankaas aan loo marin habraaca u degsan hay'adda, sidaas darteedna go’aannada kasoo baxay ay yihiin kuwo "waxba kama jiraan ah".
Kulankan lagu muransan yahay ayaa ka dhacay xarunta FDF ee magaalada Jabuuti, waxaana goob-joog ka ahaa laba korjooge oo ka socday Wasaaradda Ciyaaraha.
Mas’uuliyiinta dhinaca sharciga ee goob-joogga ahaa ayaa xaqiijiyay in tiradii loo baahnaa ee koorramka ay buuxsantay si shirku u qabsoomo, balse Waberi iyo guddigiisa ayaa ku adkeysanaya in aan la raacin xeer-hoosaadka xiriirka.
Digniinta FDF iyo Faragelinta Dowladda
Xiriirka Kubadda Cagta Jabuuti ayaa ka digay in khilaafkan iyo xil-ka-qaadistan ay keeni karaan cawaaqib xumo dhinaca kubadda cagta caalamiga ah.
FDF ayaa soo xigatay xeerarka adag ee FIFA ee dhigaya in xiriirrada kubadda cagta ee dalalku ay si madax-bannaan isu maamulaan, kana madax-bannaanadaan arrimaha siyaasadda.
Xiriirka ayaa caddeeyay in haddii ciidamada ammaanka ee dowladdu ay gacan ka geysteen xil-ka-qaadista madaxda la doortay, ay FIFA u arki doonto "faragelin qaawan oo dibadeed".
Xiriirka ayaa dalbaday in ciidamada booliska si degdeg ah looga saaro xaruntiisa, xaaladdana la dejiyo si xafiiska loogu soo celiyo hoggaanka uu ku tilmaamay midka sharciga ah.
Miisaanka Waberi ee Fagaarayaasha Kubadda Cagta
Souleiman Xassan Waaberi ayaa xilka Guddoomiyaha FDF hayay tan iyo sannadkii 2012-kii, isagoo dhanka kalena xilal sarsare ka soo qabtay xiriirka kubadda cagta ee dalalka Bariga iyo Bartamaha Afrika ee CECAFA.
Sannadkii 2025, Waaberi ayaa magaalada Qaahira loogu doortay xubin ka tirsan Guddiga Fulinta ee FIFA, taas oo ka dhigtay mas'uulkii ugu horreeyay ee Bariga Afrika ka socda ee kursi ku yeesha hay’adda ugu sarreysa ee go’aan-qaadashada kubadda cagta adduunka.
Waxa uu sidoo kale yahay xubin ka tirsan Guddiga Fulinta ee Xiriirka Kubadda Cagta Afrika (CAF), wuxuuna xiriir dhow la leeyahay Madaxweynaha FIFA, Gianni Infantino.
Awooddan uu ku leeyahay fagaarayaasha caalamka ayaa muranka hadda ka taagan Jabuuti ka dhigaysa mid saameyntiisu ay gaari karto meel ka baxsan xuduudaha dalkaas.
Inkastoo Waberi uu awood ballaaran ku leeyahay siyaasadda kubadda cagta caalamka, xulka qaranka Jabuuti ayaa dhanka cayaaraha ku liita, iyagoo kaalinta 195-aad kaga jira qiimeyntii ugu dambeysay ee xulalka ragga ee adduunka.























