Soomaaliya ayaa heshay qoondo Xaj oo dhan 11,500 oo xujey ah xilliga Xajka ee sanadka 1448 Hijriyada (2027), kaddib heshiis ay magaalada Jeddah ku kala saxiixdeen Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka Soomaaliya, Sheekh Mukhtaar Roobow Cali, iyo dhiggiisa Sacuudiga, Dr. Tawfiiq bin Fawzaan Al-Rabiicah.
Heshiiskan sanadlaha ah ayaa lagu saxiixay hareeraha Madasha Xajka iyo Bandhigga Adeegyada Xajka, oo ay isugu yimaadeen wafdiyo ka socday dalalka Muslimiinta ee caalamka, si ay uga wada hadlaan diyaar-garowga iyo adeegyada loogu talagalay gudashada waajibaadka Xajka ee soo socda.
Munaasabadda saxiixa heshiiska waxaa ka qeybgalay Qunsulka Guud ee Soomaaliya u fadhiya magaalada Jeddah, Cabdiwali, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Dr. Cabdinaafic, iyo Guddoomiyaha Xafiiska Adeegyada Xajka ee Soomaaliya, Dr. Khadar Daahir, iyo mas’uuliyiin kale.
Qoondadan ayaa u suurtagelin doonta 11,500 oo Muslimiin Soomaaliyeed ah inay gutaan waajibaadka Xajka sanadka 2027.























