Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Cabdifataax Qaasim Maxamuud, ayaa ku baaqay in la xoojiyo iskaashiga caalamiga ah ee wax looga qabanayo saameynta sirdoonka macmalka ah (AI) uu ku leeyahay warbaahinta, isagoo adkeeyay baahida loo qabo ilaalinta heerarka xirfadeed ee saxaafadda, saxnaanta macluumaadka iyo kalsoonida bulshada.
Wasiirka ayaa hadalkan ka jeediyay Shirweynaha Toddobaad ee Warbaahinta Adduunka oo ka dhacay magaalada Beijing, kaas oo ay isugu yimaadeen hoggaamiyeyaasha warbaahinta iyo wakiillo kala duwan si ay uga wada hadlaan mustaqbalka saxaafadda, xilli ay si xawli ah u socdaan horumarrada tiknoolajiyadda, gaar ahaan saameynta sii kordheysa ee sirdoonka macmalka ah.
Wuxuu ka qeybgalayaasha shirka ugu baaqay inay doodaha iyo ballanqaadyada wadajirka ah ee shirweynaha u beddelaan tallaabooyin wax ku ool ah oo lagu xoojinayo xirfadaha suxufiyiinta, lagu ballaarinayo helitaanka tiknoolajiyadda casriga ah, laguna dhowrayo anshaxa warbaahinta.
Wasiirka ayaa carrabka ku adkeeyay in saxnaanta wararka iyo mas’uuliyadda tifaftirka ay tahay inay sii ahaadaan tiirarka udub-dhexaadka u ah isbeddellada ka socda warbaahinta caalamka.
“Tiknoolajiyaddu si xawli ah ayay u sii horumaraysaa, balse mas’uuliyadda naga saaran bulshada weli isma beddelin. Waa inaan ka faa’iideysannaa fursadaha ay abuureyso, annagoo isla markaana wax ka qabanayna caqabadaha ka dhalan kara,” ayuu yiri Wasiir Cabdifataax.
Isagoo ka hadlayay horumarinta warbaahinta Soomaaliya, Wasiirka ayaa tilmaamay muhiimadda ay leedahay xoojinta awoodda xirfadeed ee suxufiyiinta, casriyeynta adeegyada warbaahinta iyo maalgelinta kaabayaasha warbaahinta, si loola jaanqaado isbeddellada tiknoolajiyadda.
Wuxuu mar kale xaqiijiyay diyaar-garowga Soomaaliya ee ballaarinta iskaashiga caalamiga ah, iyadoo loo marayo isdhaafsiga aqoonta, xaqiijinta saxnaanta macluumaadka iyo hirgelinta hindisayaal wax ku ool ah oo leh natiijooyin la cabbiri karo.
Wasiirka ayaa uga mahadceliyay Dowladda Shiinaha, Wakaaladda Wararka Xinhua iyo Xoghaynta Shirweynaha Warbaahinta Adduunka qabanqaabada kulankan caalamiga ah.
Wasiirka waxaa safarka ku wehliyay Agaasimaha Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed, Maxamedkaafi Sheekh Abukar, Agaasimaha Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed (SONNA), Ismaaciil Mukhtaar Cumar, iyo Agaasimaha Waaxda Istaraatiijiyadda Warbaahinta ee Wasaaradda, Cabdishakuur Cali Axmed.



























