Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si adag u cambaareysay tallaabada Israa’iil ay ku sheegtay inay safiir ka aqoonsatay Hargeysa iyo dhagax-dhigga dhisme ay ku tilmaantay safaarad, kaas oo laga dhisayo dhulka Soomaaliya, iyadoo ku dhawaaqday in tallaabooyinkaas ay xadgudub ku yihiin madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee dalka.
War-saxaafadeed ay soo saartay Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, ayay Soomaaliya ku sheegtay in tallaabooyinkaas la qaaday iyada oo aan oggolaansho laga helin Dowladda Federaalka, sidaas darteedna ay yihiin kuwo sharci ahaan waxba kama jiraan ah oo aan lahayn wax saameyn sharci ah.
Wasaaraddu waxay mar kale xaqiijisay in Hargeysa iyo gobolka Somaliland ay weli yihiin qaybo aan ka go’i karin Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyadoo carrabka ku adkaysay in sameynta xiriir diblomaasiyadeed iyo furitaanka xarumo diblomaasiyadeed oo joogto ah ay u baahan yihiin oggolaanshaha dowladda leh madax-bannaanida dalka, iyadoo la raacayo Heshiiska Vienna ee Xiriirka Diblomaasiyadeed.
War-saxaafadeedka ayaa intaas ku daray in tallaabooyinkani ay daba socdeen aqoonsigii Israa’iil ay Somaliland siisay bishii Diseembar 2025, kaas oo Soomaaliya sheegtay in ay hore u diideen Midowga Afrika, Urur-goboleedka IGAD, Jaamacadda Carabta iyo Ururka Iskaashiga Islaamka.
Soomaaliya waxay sidoo kale ka digtay in tallaabooyinka dhiirrigelinaya kala-qaybsanaanta isla markaana iska indha-tiraya xuduudaha caalamku aqoonsan yahay ay sii kordhin karaan xiisadaha ka jira Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed, gaar ahaan xilli ay gobolka ka jiraan xaalado amni darro.
Dowladda Federaalka ayaa Israa’iil ugu baaqday inay si degdeg ah uga laabato tallaabooyinkaas, waxayna dowladaha iyo hay’adaha caalamiga ah ugu baaqday inay diidaan, kana fogaadaan wax kasta oo sharciyad siin kara tallaabooyinkaas.
Wasaaraddu waxay sheegtay in Soomaaliya ay xaq u leedahay inay qaaddo tallaabooyin diblomaasiyadeed, siyaasadeed iyo sharci oo ku habboon, iyadoo la raacayo sharciga caalamiga ah, si ay u difaacdo madax-bannaanideeda, midnimadeeda iyo wadajirka dhuleed ee dalkeeda. Waxay mar kale ku celisay in midnimada qaranka Soomaaliyeed aysan ahayn arrin laga gorgortami karo.























