Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre, ayaa Arbacadii guddoomiyay shirkii ugu horreeyay ee Guddiga Qaran ee Tallaalka iyo Ciribtirka Cudurka Dabaysha (SIPE), tan iyo markii si rasmi ah loo aas-aasay.
Shirka ayaa waxaa ka qeyb galay wakiillo ka socday Wasaaradaha Caafimaadka, Waxbarashada iyo Maaliyadda, Dowlad-goboleedyada Federaalka, iyo hay’adaha bahwadaagta la ah dhinaca caafimaadka, oo ay ka mid yihiin Ururka Caafimaadka Adduunka (WHO), UNICEF, Gavi, Xarunta Afrika ee Xakamaynta iyo Ka Hortagga Cudurrada (Africa CDC) iyo Hay’adda Gates Foundation.
Wadahadallada shirka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta adeegyada caafimaadka carruurta, ballaarinta gaarsiinta tallaalka carruurta aan weli la tallaalin, ciribtirka cudurka dabaysha iyo kordhinta maalgelinta gudaha. Ka qeybgalayaasha ayaa sidoo kale adkeeyay muhiimadda ay leedahay iskaashiga hay’adaha dowladda iyo bahwadaagta horumarinta, si loo xaqiijiyo in ilmo kasta oo Soomaaliyeed uu helo adeegyada caafimaad ee aasaasiga ah.
Ra’iisul Wasaare Xamza oo ka hadlay shirka ayaa carrabka ku adkeeyay baahida loo qabo isla-xisaabtan ku aaddan dadaallada lagu ciribtirayo cudurka dabaysha, isagoo sheegay in miisaaniyad kasta oo loo qoondeeyo tallaalka ay tahay inay keento natiijooyin la cabbiri karo, isla markaana la xaqiijiyo in tallaalladu gaaraan ilmo kasta iyadoo loo marayo nidaam hufan.
Waxa uu sheegay in waxqabadka lagu qiimeeyo tirada carruurta la gaaray iyo tayada adeegyada la bixiyay.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa intaas ku daray in Guddiga Fulinta Wadajirka ah ee Tallaalka lagula xisaabtami doono tirada carruurta la gaaray, cudurrada faafa ee laga hortagay iyo heerka ay carruurta Soomaaliyeed si fudud ugu heli karaan tallaallada aasaasiga ah.
Intii uu shirku socday, waxaa warbixinno soo jeediyay hay’adaha Gavi, UNICEF, Gates Foundation, Africa CDC, Wasaaradda Caafimaadka, Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha iyo wakiillada Dowlad-goboleedyada Federaalka.
Shirka ayaa lagu soo gabagabeeyay ansixinta qorshe-hawleed lix bilood ah oo loogu talagalay Guddiga Fulinta Wadajirka ah, kaas oo qeexaya mas’uuliyadaha hay’adaha ka qeybgalaya iyo jadwalka fulinta howlaha.





















